Caalamka:- Dad badan oo ku dhintay hilib sumaysan dalka Koonfur Afrika.

0
Wednesday March 07, 2018 - 08:47:20 in by salman abdi
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Dad badan oo ku dhintay hilib sumaysan dalka Koonfur Afrika.

    Caalamka:- Dad badan oo ku dhintay hilib sumaysan dalka Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Dad badan oo ku dhintay hilib sumaysan dalka Koonfur Afrika.

Dalalka kala ah Namibia, Zambia Iyo Bostwana ayaa hakiyay hilibkii ay kasoo dhoofsan jireen waddanka Koonfur Afrika.

Maalinkii Axadda ayay ahayd markii cudur uu ka dillaacay dalka Koonfur Afrika, kaaso laga helay hilibka la warshadeeyay ee dalkaasi uu soo saaro.

Dowladda Malawi ayaa ka codsatay ganacsatada inay dukaamada iyo goobahooda ganacsi ay ka saraan hilibka laga keeno dalka Koonfur Afrika oo aysan isticmaalin.

Sidaasi si lamid ah ayaa waxaa sameynaya bakhaarada hilibka lagu iibiyo ee dalka Koonfur Afrika.

Cudurkan loo yaqaano Listeria ayaa ah mid laga qaado bakteriyada hilibka ayaa 180 qof ku dilay dalka Koonfur Afrika sannadkii tagey.

Ha'yadda qaramada midoobey ayaa waxaa ay sheegtay inay rumaysantahay in cudurkani uu yahay caabuqa ugu wayn ee dunida oo idil ka dillaacay.

Wasaaradda beeraha ee dalka Mozambique ayaa tiri "waxa aan weeydiisanaynaa dhammaan mulkiilayaasha iyo shirkadaha in badeecadan ay ka guraan iskafaalooyinka dukaamada sababtuna tahay halista ay caafimaadka u keeni karaan".

Ma muuqdo xiriir ka dhaxeeya

Koonfur Afrika waxa ay ku qaadatay muddo sanad ah in ay ogaato cudurka dilaacay.

Waxaa jiray 948 dhacdo oo uu dad soo ritay cudurkan listeria ee laga qaado hilibka suntan ah sanadkii 2017-kii sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Qaramada Midoobayna ay ku tilmaamay tiradii ugu badneyd adduunka.

Waxaa la rumeysanyahay in uu asal ahaan ka yimid warshad ku taala magaalada waqooyiga ah ee Polokwane . Agaasimaha shirkadda Tiger Brands oo leh warshada ayaa sheegay in aysan jirin wax xiriir toos ah oo ka dhaxeeya dadka dhinyau ee 180-ka ah iyo badeecada shirkadda.