Goorma Ayaynu Noqon Ummad Wakhti Ilaalisa? W/Q: Guuleed Axmed Xaashi
Barnaamij ayaad tagaysaa waxa ku qoran wakhti cayiman in la yimaado, iska daa in wakthigaa lagu yimaadee waxa uu barnaamijkii habsaamayaa muddo
marmarka qaar ka badan 1 saac ,ama cid barnaamijka muhiim u ahayd ayaa
muddo la sugayaa, marka aad qof barnaamij ugu yeedho, ama balan aad leedihiin
waxa uu waxkasta ka hor mariyay sidii uu wakthigiisa munaasibadaa ugu hori
lahaa, waxaa laga yaabaa in uu waxkale oo muhiim u ah qabsan kari lahaa haddii
uu waxkale galin lahaa.
Haddaba maxaa sababa in aynaan balanta iyo wakhtiga midna ilaalin?, u kuurgal
iyo indho indhayn badan kadib waxaa isoo baxday in qodobadan hoose ay
qayb ka yihiin in aynaan wakhtiga ku xisaabtamin, mana wada aha kuwa sababa .
1. Shaqo la’aan iyo firaaqo badan
Marka aanu qofku shaqo lahayn inta badan wakhtigu uma xisaabsana, qofkuna
dadka sidiisa ayuu moodaa, haddii lala balamo oo laga habsaamo dhib wayn uma
arko waayo balantan ayaaba shaqo u ahayd waxkale oo uu ku mashquulana muu
lahayn, sidaa si lamid ah haddii isagu uu dadka ka habsaamana dhib wayn uma
arko .
2.Ballamaha oo looga qiyaas qaato Salaadaha
Waxaa Soomaalidu u dhaqan ah in badanaa la balamo salaadaha kadib; waxaa
laga yaabaa in uu qofku ku yidhaa ha inoo ahaato Salaada Casar kadib, Maqrib
ama Duhur, tani waxa ay keentay in uu wakhtigu xaga dambe ka furnaado, tusaale
ahaan qofka ku yidhaa Casar kadib ma cayina wakhti sax ah, haddii salaada laga
soo baxo 3:45 Pm, qofka kuu yimaada 4:00Pm iyo ka kuu yimaada 5:00Pm
labaduba waxa ay kuu yimaadeen Casar kadib, taasi ayaa keentay in wakhtigu
dabada ka furnaado oo aan la isla qaadan waa goorma salaada kadib?.
3. Xafladaha iyo Munaasibadaha oo lagu qoro wakthi been ah Xafladaha iyo
munaasibadaha waxaa lagu qoraa wakhti been ah, tusaale ahaan aniga oo og in
aanay xafladu bilaabmi doonin 7:45Pm kahor ayaan ku qorayaa 6:30Pm, tani
waxa ay keentay in qofkasta uu is yidhaa kolay xiligaa lama bilaabayee iska
habsaan, tani waxa ay noqotay been la isla ogol yahay; laakiin ay layaab ku noqoto
dadka ajaanibka ah ee aan inala fahmayn.
4. Dadkeena oo aan fahan sanayn qiimaha wakhtiga
Wakhtigu waa shayga ugu qaalisan oo qof Ibnu Aadam ahi haysto, ilbidhiqsikasta
oo ku dhaafaanaa waa hanti aan laguu soo celin karin, wakhtiga oo la fahmo waa
waxa aakhiro iyo aduunba la isku dhaafo. Diinta Islaamku wakhtiga muhiimad
ayay siisay, waxaa jira xadiis sheegaya in qofka aan qiyaamaha laga dhaqaajinayn
ilaa la waydiiyo wakhtigiisii iyo waxa uu ku qaaday.
5. Ixtiraamka dadka oo aad inoogu yar
Dhaqanad aduunka ka jira qaarkood qofka haddii aad la balanto oo aad ka
habsaanto macnaheedu waxa weeyaan in aanu qofkaasi agtaada qiimo ka lahayn,
dadka ajaanibka ah marka ay balamo kuu qabtaan waxa ay isku dayaan in ayna
balantaa ka bixin, haddii ay dareemaan in ay kaa habsaamayaan ama sikadis ah
habsankaasi ku yimaad markaaba way kusoo ogaysiin, inaguna waxaaba dhacda in
qof maanta oo dhan aad meel u fadhiday uu Tilifoonka kaa qaban waayo ama kuu
jaro hadhowna wax aan cudur daar noqon karin kuu sheego .
Waxaa taas la mid
ah marka xaflad ama barnaamij lagugu marti qaado ama aad kasoo qayb gasho ee aad saacad iska fadhido dib u dhac yimid awgeed, hadhowna waxaanu idinka raali
galinaynaa aynu hadalka ku bilowno.
6. Jadwalka balamaha oo aan jirin.
Jadwalka balamaha waxaan ka wadaa; ma qorano mana mudayno wakhtiga aynu
qof la balamayno, tusaale ahaan dhawr qof ayaad bari la wada balamaysaa,
hadhow balamihii ayaa isku wada dhacaya.
Tusaale ahaan 10:00 AM maalinta Isniinta ee bishu tahay 6/2/2018 waxaan la
balansanahay hebel, 11:00AM waxaan balan la leeyahay urur hebel…….. tani waxa
ay qofku u sahashaa in aanay iskaga dhicin balamuhu. Marka wakthigaagu
nidaamsan yahay waxa aad kala garan kartaa in aad balan lagaa codsaday fulin
karto iyo inkale . Markaan ogahay in maalinta bari ah wakhtigaygu balamo iyo
shaqooyin ku buuxo ma gali karo balan kale, laakiin haddii aanay kuu
qorshaysnayn waxa aad qabanayso ama aanay balamahaagu mudaysnayn dhawr
balamood ayaad madaxa isku wada galin.
W/Q: Guuleed Axmed Xaashi
Gaaxnuug2013@gmail.com
Goorma Ayaynu Noqon Ummad Wakhti Ilaalisa? W/Q: Guuleed Axmed Xaashi
Barnaamij ayaad tagaysaa waxa ku qoran wakhti cayiman in la yimaado, iska daa in wakthigaa lagu yimaadee