Khayre iyo Bin sulayim labada Bin sulayimbaa run ka hadlay. by abdirashid osman
Khayre iyo Bin sulayim labada Bin sulayimbaa run ka hadlay. by abdirashid osman
marka caadifada yaree aan meel gaadhsiisnayn ee had iyo jeer qolyahan reer koonfureed ku tiraabaan ay dhegahaaga ka badato taasoo ah somali waa mid iyo somali baa wax wadale, waa arin runtii xaqiiqada ka fog, hadii indho caafimaad qaba wax lagu eegayo taa waxaa ka turjumayoo arinkaa burinaya waaqaca maanta taagan kaasoo ah in ay jirto wax layaaho (dowlada fadaraalka ee somalia ) caalamkuna u aqoonsaday markuu khariidada noocaasa u jeexay dalkaa markii uu u caalwaayey ee wadooyinkii kaloodhami isi soo xidheen markay aduun waynuhu xaqiiqsadeen in muqdsho aan xasilooni aanay ka dhici karin oo xalkaa keliyi yahay weliba tijaabo .
waxaynu ognahay khariidadaa ama mab road kaasi intuu soo socday ee qaatay iyo maanta halkuu ku danbeeyey oo sawir guuda mooyee laftiisu aanu nuxurlahayn bal iskadaa wax kalee in madaxweynaha fadaraalka ee wakhtigan xaadirkii aanu villa somasha ee xamar aanay kelmediisu dhaafikarin ,somali konfureed farahay ka baxday arinkaa loo jeexayna filimaayo inuu faaiido u keeni doono ,markay xaalada dalkaa ka jirtaa sidaa tahay ee xag amni iyo xag dhaqaaleba aynu ognahay halka ay marayaan inay madaxdoodu hadana dadkooda masaakinta maskaxda ka bahdilaan oo hoos u dhigaan yagoo ku shubaya hadalo ka fog xaqiiqda iyo waaqaca maanta ,waxay ahayd maanta inay ka hadlaan sidii dalkaa iyo shacabkiisa mudada dheer dhibanaha ahaa ee bilaa dowlada 30 sano ku soo jiray sidii ay noloshooda asaasiga haday noqoto mid caafimaad mid waxbarasho mid shaqo samayn mid dhaqaale iyo ta ugu daran oo ah xaalada amni ee faraha ka baxday ay siday u waajihilahaayeen u sheegaan iyo waxay ula diyaarka yihiin ee ay gacanta ku hayaan ninkii caqlile wuu garankaraa maanta madaxda fadaraalka inay muhimadooda koowaad iyo ta labaadba tahay uun xal uhelida umuurahaa oo aanay ciiro kale isku qarin.
maahase runtii wax cusub waana xeelad dowladuhu isticmaalaan khaasatan madaxda faashilkaa markay aragto in jamhuurkoodii iyo bulshadu ku soo jeedo fara madhana ka joogaan balanqaadahay dhegahooda ka buuxsheen taasaa keenta si ay dadka isaga jeediyaan kuna mashquuliyaa qadiyado kale oo xataa khuseeya dowlado kale waana tay maanta ku dhaqaaqeen madaxda faashilkee dalkaa federaalka somalia ee dalkaa SOMALILAND arimihiisa kaga hadlayaan.
akhristow macquul matahay iyo suuragal in maanta madaxdaa faashilkee tii loo igmaday meel ay kaga waramaa aanhaynini inay waaqac ka jira maanta dalkaa somaliland mudadaa 28 sana ay dadkooda islasoo hortaagaan HESHIISKAASI waa waxba kama jiraan madaama oo aanaan waxba ka ogayn runtii waa wax lagu qoslo caqliga umaday wax u sheegayaan ee isi soo hortaageena wax wayn u gaysanaya wooyo meel aanad joogin oo xukumin 30 sanoo aad adigu jirina maamul iyo kala danbayn lahayd weliba dowlado badanoo caalamka ka jiraa majeertaan dimuquraadiyada ka jirta iyo xasiloonideeda ta u sahashayna inay dowladahaa la saxeexday heshiiskana iny maalkooda iyo awoodoodaba ku aaminaan xataa siyaasadooda,dhinaca kale waa ta keentay inuu masuulka ugu sareeya shirikada DP WORLD uu ku difaaco mowqifkiisa heshiiskaa ka dhacay imaraadka ee sadex geesoodka kuna tilmaamo dowlada federalka masooliyintooda inaanay waxba ka qaban karin heshiiskaa madaama aanay kaba talinba SOMALILAND o in muda ahba ay soo wada wadeen heshiiskaa .
waxaa yaduna meesha taala oo kale in ra,iisal wasaraha dowlada faderalkee somalia ee taagta daran laga dhex hadlayo oo qolo kaloo geemka noocana la ciyaaraysaa jirto waana DOWLADA QADAR oo yadana la wada ogsoonyahay qadiyada ka dhaxaysa yaga iyo imaraadka carabta jaaniska noocanoo kalena ka faaiidaysanaysa si ay dacaayado rakhiisa uga faafiso dowlada isutaga imaraadka carabta,akhristow nin waloo siyaasada caalamka iyo ta mandiqadee hadba is rogrogta akhrisan karaa wuu dareemi karaa asbaabahaa inoo muuqda iyo kuwa kaloo dahsoonba inay ku keliftay hadalkii daciifka ahaa ee ka soo yeedhay ra,iisal wasaare khayre ,waxaanan odhankaraa hadalkii bin sulayim baa hadalka macquulkaa ah ee saxda xaqiiqana ku taagan ka khayre se waa been iyo ciiro isku qarin, waxaana ku haboon qowlka af carabigee yidhaahda (فاقد الشي لا يعطي) kaasoo macnihiisu yahay nin naan waxba gacanta ugu jirini muxuu bixinba kaasi waa khayre.
Guntii iyo gabagabadii waxaan reer SOMALILND u sheegayaa qadiyad baa inoo taal ka midha dhalinteediina in badana way inoo qabsoontayn in kaloo badanina maantaa heshiiskaa taariikhigi ugu horeeyaa yaan dib loo socon oo hadalada noocaasi ku yeelan saamayn waayo waxaan arkaa qaar inaga midoo durba shaki geliyey heshiiskaa oo aan ogayn inay qadiyadooda wax u dhimayaan ,kuwaa waxaan u sheegayaa ninka inaad talaabo hore u qaado diidayaa ee weliba aan shaqo kugu lahayn xukuna daaba waxaa kaaga dhow kaa maalkiisii iyo tacabkiisi kugu aaminay ee aa isku maslaxada noqoteen ,iduniyaa masaalix bulshow awrkaaga ku kacso waxaad maslaxad manfacle u aragto.
Khayre iyo Bin sulayim labada Bin sulayimbaa run ka hadlay. by abdirashid osman
Khayre iyo Bin sulayim labada Bin sulayimbaa run ka hadlay. by abdirashid osman