Somalia:- Wasiiru Dowlihii Amniga koonfur Galbeed iyo Xildhibaan ka tirsanaa Hirshabeelle oo ku dhintay Qarax ka dhacay Agagaarka Bali-doogle.

0
Thursday March 08, 2018 - 08:37:02 in by salman abdi
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:- Wasiiru Dowlihii Amniga koonfur Galbeed iyo Xildhibaan ka tirsanaa Hirshabeelle oo ku dhintay Qarax ka dhacay Agagaarka Bali-doogle.

    Somalia:- Wasiiru Dowlihii Amniga koonfur Galbeed iyo Xildhibaan ka tirsanaa Hirshabeelle oo ku dhintay Qarax ka dhacay Agagaarka Bali-doogle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:- Wasiiru Dowlihii Amniga koonfur Galbeed iyo Xildhibaan ka tirsanaa Hirshabeelle oo ku dhintay Qarax ka dhacay Agagaarka Bali-doogle.

Qarax Miino oo ka gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degaan u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ayaa waxaa lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali.

Wasiirka waxaa la geeryooday Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne
oo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, sida ay Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen Masuuliyiinta dhanka ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed.


C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Muqdisho, balse inta ay wadada ku soo jireen ayay qabsatay Miino dhulka lagu aasay gaarigii uu watay Wasiiru Dowlaha, isla goobta ayuuna ku geeryooday.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) ayaa sheegay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay kaga tacsiyadeynayaan geerida ku timid Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulkaasi iyo xildhibaanka Hirshabeelle.

Wuxuu kaloo sheegay Nuuradiin (Gacma) in Saraakiisha Ammaanka Koonfur Galbeed ay shir deg deg ah ka yeelan doonaan falkan dhacay, jawaabna ay ka bixin doonaan.