Ethiopia:- Xisbiga Haya Talada Dalka Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay 11-ka March Inay Dooran Doonaan Ra'iisul Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya.

0
Thursday March 08, 2018 - 08:44:59 in by salman abdi
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia:- Xisbiga Haya Talada Dalka Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay 11-ka March Inay Dooran Doonaan Ra'iisul Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya.

    Ethiopia:- Xisbiga Haya Talada Dalka Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay 11-ka March Inay Dooran Doonaan Ra'iisul Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ethiopia:- Xisbiga Haya Talada Dalka Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay 11-ka March Inay Dooran Doonaan Ra'iisul Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya.

Xisbiga haya talada dalka Itoobiya EPRDF , ayaa ugu dambeyntii taariikh u sameeyay kulankeeda guddiga fulinta kaasoo la filayo in uu soo saaro ra'iisal wasaaraha cusub.


Madaxa xafiiska EPRDF, Shiferaw Shigute ayaa xaqiijiyay in guddigu uu kulmi doono axadda Maarso 11, 2018 si ay uga wada hadlaan natiijooyinka ka soo baxay qiimaynta ay sameeyeen afarta qaybood ee xubinta ka ah isbaheysiga.



180 xubnood ee xisbiga ayaa sidoo kale la rajeynayaa inay doortaan guddoomiye cusub kaas oo noqon doona Raiisul Wasaaraha cusub ee dalka.


180-ka xubnood ayaa waxay ka kooban yihiin 45 xubnood oo ka kala yimid afarta xisbi ee ku midoobay isbahaysiga EPRDF. Kulankan ayaa qiimayn doona warbixinta waxqabadka lixda bilood ee xisbigu iyo in uu ansixiyo is casilaada Ra'iisul wasaaraha Hailemariam Desalegn, kadibna uu u codeeyo badalkiisa xafiiska.