Hargeysa:Dawladda Somaliland Oo Shaacisay inay Dib Uga Fiirsanayso Wadahadalkii Somalia.

0
Thursday March 08, 2018 - 15:25:44 in by salman abdi
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:Dawladda Somaliland Oo Shaacisay inay Dib Uga Fiirsanayso Wadahadalkii Somalia.

    Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in dawladda Somaliland dib uga fiirsanayso wada hadallada Soomaaliya ay kula jirto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in dawladda Somaliland dib uga fiirsanayso wada hadallada Soomaaliya ay kula jirto

 oo la filayay in ay bishan dib uga furmaan dalka Jabuuti kadibna loo wareejiyo waddanka Switzerland ee carriga Yurub.


Arrintan ayaa timid markii dawladda Somalia si adag uga hor timid heshiiska Somaliland iyo Imaaraadku hore u wada galeen oo haddana Itoobiya saxeexday saami laga siiyay maamulka dekedda maaddaama ay tahay macmiilka ugu weyn ee dekeddu yeelanayso marka la horumariyo.

"Cunfigaas ay muujiyeen Soomaaliya waxay keenaysaa in aanu dib uga fiirsano wada hadalkii, dib ayaana uga fiirsanaynaa, jawigan ay imika abuureena maba aha jawi lagu wada hadli karaba,”Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo wargeyska Geeska Afrika u warramay waxaanu intaasi raaciyay"Weynu ka tashan doonaa haddii jawi lagu wada hadlaa aanu jirin, wax lagu wada hadlaa maba jiraan.”

Geesta kale waxa wasiir Sacad la waydiiyay aragtidiisa ku aaddan dawladda Turkiga oo ka xumaatay in wada hadalada laga wareejiyay waxaanu yidhi "Turkigu wuu ku mahadsan yahay dadaalkii uu sameeyey, iyo sidii uu iskugu keen soo dhaweeyn lahaa inaga iyo Somaliya, laakiin muddo ayuu ka ahaa hormood, waxba kama midho dhalin, meel haddii ay wax ka midho dhali waayaan meel kale ayaa la tijaabiyaa, maaha wax aanu ku dhaliilnayo, ama ku fogaynayno, waxaanu isaga leenahay waad mahadsan tahay laakiin waxa la soo gaadhay xilligii cid kalena la tijaabin lahaa, hadda lafteedana wixii talo iyo tusaale ah ee uu muujiyo ama uu ina siinaayo inagu ma diidanin, oo doorkaas wuu ciyaari karaa, laakiin doorkii dhex-dhexaadinta cid kale ayaanu tijaabinaynaa insha allaah.”