Hargeysa: Daawo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Dhaliilay Saamiga Uu Madaxweynuhu Xukuumada Ka Siiyey Sool Iyo Sanaag Bari

0
Thursday March 08, 2018 - 15:29:40 in by salman abdi
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Daawo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Dhaliilay Saamiga Uu Madaxweynuhu Xukuumada Ka Siiyey Sool Iyo Sanaag Bari

    Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ku tilmaamay mid uu qawadsan yahay marka laga eego saamiga uu siiyay beelaha darafyada gaar ahaan Bariga Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ku tilmaamay mid uu qawadsan yahay marka laga eego saamiga uu siiyay beelaha darafyada gaar ahaan Bariga Somaliland.


Siciid Cilmi Rooble oo tilifishank Eryal arintan kala hadlaayay waxa uu yidhi”Anigu dawladaas waxaan ka qawadayaa dhinaca bari, Dhulbahante iyo Harti ayaan ka qawadayaa runtii, halka aynu ku soconay halkaas ayayWaxa uu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble sheegay in haatan la filaayay in Somaliland ay hesho xukuumad u jeeda dhanka bari ee dalka, isla markaasna aan ku mashquulsanayn qancinta Beelaha Isaaq ee dalka oo uu ku tilmaamay mid dalka wakhti badan xukumaysay.


Siciid Cilmi Rooble oo tilifishank Eryal arintan kala hadlaayay waxa uu yidhi”Anigu dawladaas waxaan ka qawadayaa dhinaca bari, Dhulbahante iyo Harti ayaan ka qawadayaa runtii, halka aynu ku soconay halkaas ayay ahayd, inta kale waa ay wanaagsanayd, madaxweynuuna isaga ayaa dadkiisa magacawday oo ka dhex galimaayo, laakiin waxaan leeyahay dhanka bariga anigu waxaan qabaa inuu dhinaashiyo ay jiraan, bari ayaynu ku soconaa oo dawladu inay bari u badnaato ayay ahayd oo inay Harti u badnaato ayay ahayd, madaxweynuu inuu Isaaqan ka guuro ayay ahayd oo aanu ka baqan, oo dawladnimada xagaas u badiyo, madaxweynaha waan ku dhiirinayaa in halkaas uu dhinaashiyo jiro, 27 sanadood ayay Isaaqu madax ahaayeen, wax alle iyo wax inoo kordhayna ma jiro bahasha socodsii oo dhanka bariga dhamays tir ayaan anigu odhan lahaa.”

 

Xildhibaanka oo arinta dekeda ka hadlaayay waxa uu yidhi”Anigu runtii heshiiskan danbe waa aan taageersanahay, waayo Itoobiya soo galniinka ay soo gashay dan weyn ayay u tahay Somaliland, waydinkaana arkaaya oo dawlado badan ayaa ka qaylinaaya oo gaar ahaan reer Xamarkii waa kuwaas qaylinaaya, wax alle iyo waxa ay reer Xamarku ka qayliyaan aniga waa ii dan, sida uu u hadlay agaasimaha DP World waa mid caalami ahaan ina caawinaysa oo aad moodaba in layna aqoonsaday, heshiiskeenaasi waa mid wacan weeye, waayo waxa la dhaqan galinayaa Berbera corridor oo muddo dheer xanibnaa, mar haddii Itoobiya ay saami ku yeelatayna waa ay danaynaysaa in badana dhanka Berbera ayay u soo jiidaysaa dhaqaalaheedii.”