"Adeer Berbera Anagaa Leh Farmaajo Iyo Khayrena Muqdishaanay Ka Talin…"Faysal Cali Waraabe

0
Thursday March 08, 2018 - 15:38:40 in by salman abdi
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Adeer Berbera Anagaa Leh Farmaajo Iyo Khayrena Muqdishaanay Ka Talin…"Faysal Cali Waraabe

    Iyada oo ay wali sii socdaan dagaalka borobagaandaha ah ee warbaahinta Soomaaliya ku hayaan Somaliland kadib heshiiskii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada oo ay wali sii socdaan dagaalka borobagaandaha ah ee warbaahinta Soomaaliya ku hayaan Somaliland kadib heshiiskii

taariikhiga ahaa ee dhawaan dalka Imaaraadka carabta ku dhex maray Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa waxa xaalad adagi kala qabsatay wiil yar oo ka hawl gala warbaahinta Muqdisho iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay waraysi dhinaca khadka taleefanka ah la yeesheen kaasi oo uu Guddoomiye Faysal si adag ugu weeraray warbaahinta Muqdisho iyo madaxda xukuumadda  Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay wiil yar oo NGO-yada ka hawl gali jiray oo awood u lahayn in uu wax kaga sheego Somaliland kana hadli karo heshiiska Dekedda BERBERA isaga oo dhinaca kalena sheegay in Somaliland madax bannaan tahay ee ta aan madax bannaanayn tahay Muqdisho oo ay joogaan 22-kun oo askari oo shisheeye ahi halka uu dhinaca kalena si adag ula hadlay wiilka waraysiga ka qaadayay oo u muuqday wiil yar oo aan waayo aragnimo lahayn oo ay kaliya ay soo kicisay xiqdiga iyo calool xumada umaddaasi lagu beeray ee ku aaddan qaddiyadda Somaliland kaasi oo uu Faysal ku sheegay nin riyoonaya oo makarafoon qaatay.

Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo aad u dheeraa waxa aan ka soo qaadan doonaa kuwan isaga oo yidhi:
"Adeer waxba nagama qaadi karo nin isaga oo gidaar iska fadhiya lagu yidhi waxaad tahay masuul. Waxa uu ahaan jiray oo ka shaqayn jiray NGO-yada. Adeer Ceel-buur buu ka yimid oo aanu maanta tagi Karin oo aanu dhulka mari Karin ma kaasaa Somaliland wax ka sheegi kara oo masiirkeeda iyo danaheeda ka hadli kara?!. Horta shaqada loo dirsaday haka shaqeeyo inta uu isku soo qaadayo dal 27 sannadood dawlad ahaa oo tashanayay oo dawlad leh oo isagu arrimihiisa wata. Nimanka halkaa jooga laga soo bilaabo Cabdi Qaasim, waxaan macquul ahayn ayay isaga riyoodaan waxay yidhaahdaan waxaan xukumaa raas kaambooni illaa raas casayr waxaasay sheegtaan iyaga oo aan xaafadaha Muqdisho xukumin. Adeer Somaliland way madax bannaan tahay annaga yaa na haysta. Waxaan madax bannaanayn kaasi ay 22-ka kun ee Askari ee ajaanibka ahi joogaan ayaan madax bannaanayn oo la haystaa haddii cid la qabsanayo. Kaa inta dadkiisa maalin walba la laayo ee la yidhaa Al-shaab baannu laynay ayaan madax bannaanayn. Adeer kuwiima warbaahinta ee Soomaaliya ayaa wax aanay waxba ka khusayn isku qaadaya. Kuwiinii dadka Muqdisho ku lahaa sideed u aragtaan heshiiska Berbera, maxaa dadka reer Muqdisho ka galay heshiiska Berbera. Waar umadda ka daaya xasadka aaad ku dhex beeraysaan. Dadkaasi iyagiibaa nabad iyo nolol u baahan. Adeer Berbera annaga ayaa leh. Awawyaashayo ayaa Ingiriiska keenay markii dambena ka kiciyey. Iyagaa haddana Xamar nagu daray haddana annaga ayaa kala soo noqonay oo jiilkii saddexaad ah. Annagaa kala soo noqonay oo ah jiilkii saddexaad (Third Generation). Dibna u arki maysaan. Waar adeer Somaliland waxa ka socda wakhti in aad isaga qaaddaan ma aha ee dantiina raacda oo dalkiisa dhista oo nabad keensada. Shanta dawladood ee qabaa’ilka ku salaysan ha iska baabi’iyeen ugu yaraan kadib hanala hadleen. Yaa adduunka naga hor taagan ma inankan yar ee Murursade (Khayre) ayaa Somaliland wax ka qaadi kara adeer riyo ayaad ku nooshihiin ee riyada ka kaca. Dhawladdii dhammayd ee Maxamed Siyaad Barre ayaannu hadh cad dhaqaajinay mise waaba inan yar oo NGO joogi jiray. Mise waaba idinkoo qabaa’il ah. Adeer caqli yeesha oo dantiina raacda. Qoladiina warbaahintu waanu aragnaa waxaad ku hadashaan. Colaad annagu Soomaali uma qabno ee hanagu khasbina xaalad aan joogin in aad u yeedhataan. Kolba labada nin ee gaalo madax ka dhigto ee xamar loo magacaabo waxa u habboon in ay qudhunkooda hagaajistaan”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.