Taageerayaasha Manchester United Oo U Sheegay Tababare Mourinho Ciyaaryahanka Sabtida ka Daafici kara Mohamed Salah

0
Thursday March 08, 2018 - 18:43:41 in by salman abdi
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Manchester United Oo U Sheegay Tababare Mourinho Ciyaaryahanka Sabtida ka Daafici kara Mohamed Salah

    Taageerayaasha Manchester United Oo U Sheegay Tababare Mourinho Ciyaaryahanka Sabtida ka Daafici kara Mohamed Salah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taageerayaasha Manchester United Oo U Sheegay Tababare Mourinho Ciyaaryahanka Sabtida ka Daafici kara Mohamed Salah

Laacibka garabka uga ciyaara Leicester City Riyad Mahrez waxa uu sheegay in uu ka shallaayey wadahadaladdii bur buray ee uu Mancehster City uga mid noqon lahaa.

Mahrez waxa uu bayaaniyey in laga jabsaday akoonkii uu ku lahaa Facebook kaddib markii la soo dhigay qoraal sheeay in uu ciyaaraha ka fadhiistay asbuucan waana maalmo yar kaddib markii uu goolkiisii ugu horreeyey u dhaliyey Leicester tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu ka fashilmay wadahadaladdii uu ugu wareegi lahaa Manchester City bishii January.


Laacibka ka soo jeeda Algeria waxa uu beeniyey in uu jahwareeray isaga oo aan imaan kalamo tababar muddo asbuuc gaareysa .

Ciyaaryahanka oo wareysi siinaya Sky Sports News waxa uu xaalada ka yiri: "Muddo ayaan ka maqnaa halkan maxaa yeelay waqti nasiino ayaan u abaanaa waa xalad qalafsan.

"Qof walba wey u fiican tahay in lagu biro Mancehster City laakiin hadda waa wax la soo dhaafay. Waan ka soo gudbay. Haddii aan biilowno ka hadalkeeda waa sida in aan ku laabaneyno suuqa kala iibsiga anigana hore ayaan uga socday, waxaana isku dayayaa in aan wax walba oo aan kari karo siiyo kooxda.


"Mar walba waad shalleyn kartaa laakiin waxaan u maleynayey waqtigaas in ay ahayd waxa ugu fiican la sameeyo.

"Aad ayey u adkeyd, mar walba xiriir ayaan la lahaa kooxda. Kooxdu si fiican ayey ula tacaashay. Ciyaatoyda aan kooxda ka wada tirsanahay iyo kooxda marka ay garabkeyga istaageen, aad bey u fududeyd in aan soo laabto.”

Kooxda Mancehster City ayaa la sheegay in ay markale isku dayi doonto xagaaga in ay dalab kale ka soo gudbiso laacibka reer Algeria.

Riyad Mahrez oo ku guuleystay laacibka ugu fiican Premier League xilliciyaareedkii 2015-16 ayaa maalmo kahor Facebook giisa la jabsaday waxaana la soo qoray in uu sababo caafimaad uga fariistay ciyaaraha laakiin waxaa beenisayLeicester City.