Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Koox Uu Doonayo Iney Ka Badbaadaan Quarter Final-ka Champions League.

0
Thursday March 08, 2018 - 18:43:41 in by salman abdi
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Koox Uu Doonayo Iney Ka Badbaadaan Quarter Final-ka Champions League.

    Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Koox Uu Doonayo Iney Ka Badbaadaan Quarter Final-ka Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Koox Uu Doonayo Iney Ka Badbaadaan Quarter Final-ka Champions League.

Tababaraha JuventusMassimiliano Allegri ayaa isha kusii haya wareega 16-ka koobka horyaalada yurub wareegiisa quarter final-ka kadib markii kooxdiisa ay si lama filaan ah uga soo gudubtay Tottenham Hotspur.

Heung-min Son ayaa hogaanka u dhiibay Spurs xilli Juventus ay xaaladeeda gashay qatar weyn ka hor inta aysan Paulo Dybala & Higuain laba gool dhalin taasoo natiijada u rogtay dhinaca kale.

Juventus waxey gartay final-kan tartanka Champions League laba jeer oo kamid ah sadexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay, balse mar kale ayuu hiigsanayaa macalinka reer talyaani inuu darajadaas gaaro.

Massimiliano Allegri wuxuu doonayaa inuu soo afjaro muddo 22-sano ah oo ay kooxda reer Turin sugeyso ku guuleysiga koobka Champions League, wuxuuna durba dalbaday kooxda uu doonayo inuu ka badbaado wareega quarter final-ka.

"Kooxda kaliya oo aanan dooneynin inaan u aadno waa Barcelona” ayuu ku jawaabay mar wax laga weydiiyay hadii ay jiraan koox ay jecel yahiin iney ku aadaan.


"Sanad walba, Barcelona waa Barcelona, mana la joojin karo”

Labadaan kooxood xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ayey isku wajaheen Quarter final-ka tartanka markaas oo ay isku cel-celis ahaan 3-0 kusoo baxday kooxda reer talyaani, balse mar kale ayey isku arkeen group-ka xilli ciyaareedkaan markaas oo Barcelona ay 4-dhibcood heshay.

Sidoo kale labadaan kooxood waxey isku arkeen final-ka tartanka Champions League 2015 markaas oo ay isaga hor yimaadeen ciyaar ka dhacday Berlin, balse Barcelona ayaa 3-1 ku guuleysatay waqtigaas.