Caalamka:- Carabta oo ku fashilantay inay tallaabo qaadaan ayaa ku dhiirri-galisay Mareykanka in ay sii wataan qorshahooda oo ay ku dhawaaqaan al-Qudus caasimadda reer binu Israa'iil.

0
Friday March 09, 2018 - 09:22:58 in by salman abdi
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Carabta oo ku fashilantay inay tallaabo qaadaan ayaa ku dhiirri-galisay Mareykanka in ay sii wataan qorshahooda oo ay ku dhawaaqaan al-Qudus caasimadda reer binu Israa'iil.

    Caalamka:- Carabta oo ku fashilantay inay tallaabo qaadaan ayaa ku dhiirri-galisay Mareykanka in ay sii wataan qorshahooda oo ay ku dhawaaqaan al-Qudus caasimadda reer binu Israa'iil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Carabta oo ku fashilantay inay tallaabo qaadaan ayaa ku dhiirri-galisay Mareykanka in ay sii wataan qorshahooda oo ay ku dhawaaqaan al-Qudus caasimadda reer binu Israa'iil.

Wasiirka arrimaha dibedda Falastiin Riyad al-Maliki ayaa ku dhaleeceeyay dawladaha Carabta inay iska-indhatireen dhibaatooyinka iyo rabshadaha Falastiin tobankii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana guuldaradooda ay dhiirigelisay Maraykanka in ay sii wataan qorshahooda oo ay ku dhawaaqaan al-Qudus caasimadda reer binu Israa'iil.


"Guuldaradeennu waxay sidoo kale dhiirigelisay waddan yar sida Guatemala inay go'aansadaan in safaaraddiisa loo wareejiyo al-Qudus," ayuu Maliki u sheegay wakaaladda wararka ee WAFA.



Waxa uu intaa ku daray in wasiirada arrimaha dibadda ee Guatemala Sandra Jovel aysan ka laaban doonin go'aankeeda ah in ay u wareejiso safaarada Al-Qudus, "sababtoo ah waxay si buuxda u ogyihiin in dalalka Carabta aysan saarin wax cadaadis ah Guatemala si ay uga noqdaan tallaabadaasi. "


"Go'aanka Guatemala waxa ay ka timaadday xaqiiqda ah in Carabtu ay ku fashilmeen in ay fuliyaan wax kasta oo ka mid ah go'aamada ay qaataan sanado badan.

Haddii aynaan awoodin inaan fulino go'aamadaas, sideebaan uga hor-tagi karnaa Guatemala ama waddan kale oo ka mid ah in ay qaadaan tallaabadan oo kale ee al-Qudus, "ayuu yiri Maliki.


Madaxwaynaha Guatemala Jimmy Morales ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Tel Aviv loo wareejin doono magaalada Qudus 16-ka May, laba cisho ka dib marka oo dowlada Maraykanku la qorsheeyay in uu safaaradiisa u wareejiyo Al Qudus.