Sri Lanka: Muslimiinta oo ka baqayaan weeraro dheeraad ah inta lagu jiro salaadda jimcaha.

0
Friday March 09, 2018 - 09:22:58 in by salman abdi
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sri Lanka: Muslimiinta oo ka baqayaan weeraro dheeraad ah inta lagu jiro salaadda jimcaha.

    Sri Lanka: Muslimiinta oo ka baqayaan weeraro dheeraad ah inta lagu jiro salaadda jimcaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sri Lanka: Muslimiinta oo ka baqayaan weeraro dheeraad ah inta lagu jiro salaadda jimcaha.

Muslimiinta Wadanka Sri Lankan ayaa waxay cabsi ka muujiyeen weeraro ay qorshenayaan burcada Sinhalese ee Buddhistaha xiliga salaadda Jimcaha lagu jiro, iyada oo ciidamada ammaanka lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen inay tallaabo ka qaadaan xagjiriinta.


Inkasta oo ay jirto xaalad deg-deg ah iyo bandow si loo xakameeyo rabshadaha bilawday todobaadkii la soo dhaafay ee u dhexeeya Muslimiinta iyo Buddhistayaasha ee bartamaha degmada Kandy, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in weerarradaasi ay ku sii faafaan wadanka Sri Lanka.



Faaduma Rizka, oo 25-jir ah oo ku nool degmada Kandy ayaa u sheegtay warbaahinta"inay ku nooshahay cabsi, habeenkiina aysan seexan maadaama dhamaan raggii qoyskeyda ay u baxeen si ay u difaacaan iyaga, waxaa ayna nooga tageen guryaha," ayay tiri.


"Rizka ayaa sheegtay in bilayska aysan waxba u qaban, oo ay indhaha ka fiirsadaan iyada oo weeraro dheeraad ah la fulinayo ... Ma garanayno waxa dhici doona oo xiga ayay tiri."


Maalintii Khamiista, waddooyinka badi magaalooyinka Kandy way madhnaayeen oo cidna laguma arkeynin , marka laga reebo bilayska iyo askarta.


Bulshada Muslimiinta ee degmada Kandy ayaa waxaa ku dhex faafay cabsida in burcada buudhistaanka ay qorsheynayaan weerarro inta lagu jiro salaadda jimcaha.