Caalamka:-Dowladda Ivory Coast oo dumarka ka mamnuucday shaqooyinka qaar+ Sababta.

0
Friday March 09, 2018 - 09:22:58 in by salman abdi
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Dowladda Ivory Coast oo dumarka ka mamnuucday shaqooyinka qaar+ Sababta.

    Caalamka:-Dowladda Ivory Coast oo dumarka ka mamnuucday shaqooyinka qaar+ Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Dowladda Ivory Coast oo dumarka ka mamnuucday shaqooyinka qaar+ Sababta.

Iyadoo toddobaadkan caalamka laga xusayay maalinta haweenka ayaa dowladda Ivory Coast waxaa ay dumarka dalkaasi ka mamnuucday inay qabtaan shaqooyinka qaar. Shaqooyinkan ayaa la sheegay inay yihiin kuwa dumarka aysan xamili Karin.

Afhayeen u hadlay dowladda dalkaasi oo lagu magacaabo Bruno Koné ayaa sheegay in shaqooyinka laga mamnuucay dumaraka ay kamid yihiin shaqooyinka u baahan awood dheeraad ah iyo kuwa khatarta ku keeni kara nafsadooda.

Arrintaan ayaa sidoo kale ah mid u wanaagsan dumarka xaamilada ah ee madaxa ku qaada waxyaabo culus, inkastoo ay tahay mid noolal maalmeedkooda ay ka raadsadaan.

Mar wax laga weydiiyay afhayeenka sharcigan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in muhimadda sharcigan ay tahay sidii dumarka looga difaaci lahaa khataraha .

Mr Bruno ayaa waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dumarka doonayo inay qabtaan shaqooyinka la mamnuucay laga doonayo inay lasoo xiriiraan wasaaradda howlaha guud.