Hargeisa:- Maxaa Keenay In Madaxweyne Muuse Biixi Ka Oohiyo Haweenka Somaliland.

0
Friday March 09, 2018 - 13:43:43 in by salman abdi
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Maxaa Keenay In Madaxweyne Muuse Biixi Ka Oohiyo Haweenka Somaliland.

    Hargeisa:- Maxaa Keenay In Madaxweyne Muuse Biixi Ka Oohiyo Haweenka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Maxaa Keenay In Madaxweyne Muuse Biixi Ka Oohiyo Haweenka Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka oohiyey qaybo badan oo ka mid ah dumarkii ka soo
qayb galay munaasibadii lagu xusayey maalinta haweenka aduunka ee 8-da March.
Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey munaasibada lagu xusayey maalinta haweenka ayaa si qoto dheer uga hadlay halgankii
qadhaadhaa ee loo maray xoriyada ay somaliland maanta haysato, waxaanu si adag ugu tiiq tiiqsaday masuuliyiinta soomaaliya ee inta badan
ku hadaaqa in somaliland ay ka mid tahay soomaaliya.

iyaga oo isbadashay shucuurtoodii, iyada oo qaar ka mid ah ay indhahooda ka soo daadatay ilmo badashay jawigii madasha, kuwaas oo si weyn ugu qiirooday hadaladii uu
madaxweyne Muuse Biixi kaga waramayey halgankii qadhaadhaa ee loo maray xoriyada somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi oo wajigiisa laga dareemayey inuu isbadal ku yimid dareenkiisa ayaa hadalo kulul ku ganay maamulka Muqdisho ka
taliya gaar ahaana wiilka waaya aragnimadu ku yar tahay ee raysal wasaaraha, waxaana hadaladii madaxweynaha ee badalay dareenkiisa iyo ka
haweenkaba ka mid ahaa "War ma haysid waxa tan loosoo maray, umadda Somaliland-na dacar bay ku kicisay weedhaadii inankow, wixii
dumay iyo wixii dhintay, umad dhan, magaalooyin dhan oo la rogay, dadkii dagaalladaas ku dhintayna jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa
waxa ay ku qiyaastay 50,000(konton kun) oo qof, xoollo, qoraal, hanti iyo keyd wixii ay umaddani lahayd baa la waayey, xorriyadda iyo
saxeexa ay Somaliland dawladaha la gashay sheeko-barolley, hadal iyo baryo’e dhiigga la huray bay ku timi, maantana tii baa lagu hayaa,”
ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.