Reer Ucid Cabashada Iyo Cambaaraynta Hakala Daayaan…W/Q Maxamed Gacayte

0
Friday March 09, 2018 - 19:10:22 in by salman abdi
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Ucid Cabashada Iyo Cambaaraynta Hakala Daayaan…W/Q Maxamed Gacayte

    Reer Ucid Cabashada Iyo Cambaaraynta Hakala Daayaan…W/Q Maxamed Gacayte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Ucid Cabashada Iyo Cambaaraynta Hakala Daayaan…W/Q Maxamed Gacayte

Wali ma aragtay cabasho iyo cambaarayn isku lamaan, Xisbiga Ucid ayaa Dacwad uu kaga cabanayo safiirka Djibouti u gudbiyay Madaxtooyada JSL. Madaxtooyada oo ilaalinaysa wadajirka iyo midnimada Qaranka waxay usoo jeedisay Ambassadorka inuu raaligalin ka siiyo Gud. Faysal hadii uu wax qonsaday. Hadaba waxa layaab leh yaryarkan cabashadii Gudoomiyahooda ka dhigtay mawduuc iyo maaweelo iyagoo waliba dhaliilaya xafiiskii ay dacwada usoo qorteen oo xil wayn iska saaray sidii loosoo afjari lahaa dacwada faysal soo qortay.


 

Xaajo Nimaan Ogayni Indhahuu Ka Ridaa, Colkan Faysal ka socda ee Warbaahinta ka hadlaya mugdi ayay gudayaan marin habaabinta iyo been abuurkuna waa shuqul ay iska yaqaanaan. Faysal isaga ayaa cabashada usoo qortay Madaxtooyada, qoraal ayaana loogu dhameeyay hawshiisii, hadaba qoladan Ucid ee hadlaysa malaha raaligalin wax ka wayn ayay sugayeen sida iiga muuqata. Waayo Hadii aad cid ka dacwooto oo wax laga qabto dacwadaadii ma inaad dhaliisha? Jawabtu waa maya. Xisbiga Ucid waxaan leeyahay cabashada iyo cambaaraynta kala daaya.
Hadii kale xaalku waa "Baroortu Orgiga Ka Wayn”.
Wabilahi tawfiiq
W/Q: Mohamed Gacayte
Hargeysa/Somaliland