Shiinaha:- Madaxda caalamka oo soo dhaweeysay wadahadal ay yeeshaan Trump Kim Jong un.

0
Saturday March 10, 2018 - 07:45:54 in by salman abdi
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha:- Madaxda caalamka oo soo dhaweeysay wadahadal ay yeeshaan Trump Kim Jong un.

    Shiinaha:- Madaxda caalamka oo soo dhaweeysay wadahadal ay yeeshaan Trump Kim Jong un.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shiinaha:- Madaxda caalamka oo soo dhaweeysay wadahadal ay yeeshaan Trump Kim Jong un.

Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay soo dhaweeyeen warka ku saabsan in madaxwayne Trump uu aqbalay in uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi, Kim Jong-un.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay muujiyaan geesinimo siyaasadeed si ay arrintani ay horey ugu sii socoto.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka , Sergei Lavrov, ayaa ku tilmaamay tallaabo horey loo qaaday go'aanka madaxwayne Trump ee ah in uu wadahadalo toos ah la yeesho hogaamiyaha Kuuriya Wuqooyi

Mr Lavrov ayaa ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa:

Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa u mahadceliyay labada hogaamiye go'aanka adag ee ay qaateen.

Mr Moon ayaa sheegay in go'aanka labada hogaamiye uu horseedi doono in Kuuriyada Waqooyi ay ka talabaxdo hubkeeda Niyukleerka.

  1. Maraykanka: Ma doonayno dagaalka Waqooyiga kuuriya
  2. Musuqmaasuq hareeyay Dalka Koonfur Kuuriya
  3. Shiinaha oo xadidaya ganacsiga Waqooyiga Kuuriya

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay in uu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, taas oo ah wax aanan la filanaynin.

Waxaa arrintan shaaciyay sargaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo hoggaaminayay wafti dhawaan kasoo laabtay booqasho ay ku tageen dalka Kuuriyada Waqooyi, halkaas oo ay ka sideen fariin ah in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu diyaar u yahay in uu waanwaan la galo Maraykanka, islamarkaasna joojiyo kordhinta samaynta hubka Nuyuukleerka iyo tijaabada gantaalada.

Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegay in horumarkan cusub ee soo kordhay ay ka dhalatay sanado badan oo dadaalo dubla