Muqdisho:- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo digniin u diray Dowladda Imaaraadka Carabta.

0
Saturday March 10, 2018 - 07:45:54 in by salman abdi
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo digniin u diray Dowladda Imaaraadka Carabta.

    Muqdisho:- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo digniin u diray Dowladda Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo digniin u diray Dowladda Imaaraadka Carabta.

Dowladda Somaliya ayaa digniin u dirtay dowladda Isu taga Imaaraadka Carabta, xilli ay taagan tahay xiisada la xiriirta heshiiskii Dakadda Magaalada Berbera ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliya oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa wuxuu sheegay Imaaraadka inay kaga digayaan faragelinta ay ku hayaan Somaliya.


"Imaaraadka arinta ay sameynayso waa midda aan dacwadda ka nahay, waa midda aan diidanahay, waana cadeenay haddii aysan ka noqon arrintaasi dariiqooyin badan oo inoo furan ayaa jira.” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya.

"Somaliland waa dad walaalaheena ah waxa ay ka mid yihiin ummadda Soomaaliyeed, horumarkooda waan jecel nahay, Imaaraadka qaabka ay udhaqmeen ma ahan wax wanaagsan, dacwad ayaana ka gudbinay.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay BBC-da.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Qaahira ku gudbisay dacawad ka dhan ah Imaaraadka, waxaana Goluhu ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in ay muqadas tahay madax banaanida Soomaaliya.