Turkiga:-Weriyeyaal Turki ah Oo dammaanad lagu sii daayay Iyo Arimaha Lagu Haystay.

0
Saturday March 10, 2018 - 07:45:54 in by salman abdi
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga:-Weriyeyaal Turki ah Oo dammaanad lagu sii daayay Iyo Arimaha Lagu Haystay.

    Turkiga:-Weriyeyaal Turki ah Oo dammaanad lagu sii daayay Iyo Arimaha Lagu Haystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga:-Weriyeyaal Turki ah Oo dammaanad lagu sii daayay Iyo Arimaha Lagu Haystay.

Maxkamad ku taallo dalka Turkiga ayaa dammaanad kusii deysay labo wariye oo ka howlgalayay wargeys ay leeyihiin mucaaradka dalkaasi. Labadan weriye ayaa inkabadan sannad ku xirnaa xabsi ku yaala dalkaasi.

Tifatiraha wargeyska Cumriyet, Murat Sabuncu iyo wariyeyaal kale oo u dhashay dalka Turkiga ayaa wajahaya eedeymo ah inay taageeraan ururro argagaxiso ah, inkastoo ay beeniyeen eedeymahaasi.

Maareeyaha wargeyskan ayaa isaguan horay loogu xukumay xabsi dhan ku dhawaad sannad iyo bar.

Ururka weriyayaasha aan xuduuda laheyn ayaa cambaareyey isku daygaan siyaasadeed, waxaana maxakmaddu ay ka dalbadeen inay dib uga noqoto xukunka ay ku riday weriyeyaasha.

Dalka Turkiga ayaa kaallin hoose ka gallay ilaalinta xorriyadda saxaafadda, iyadoo taasi lagu ogaaday baaritaan uu sameeyay ururkaasi.