Kenya:-Rex Tillerson Oo Nairobi ku Sugan Iyo Kulamo Uu Baajiyay + Arimaha Soo Kordhay.

0
Sunday March 11, 2018 - 08:06:10 in by salman abdi
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:-Rex Tillerson Oo Nairobi ku Sugan Iyo Kulamo Uu Baajiyay + Arimaha Soo Kordhay.

    Kenya:-Rex Tillerson Oo Nairobi ku Sugan Iyo Kulamo Uu Baajiyay + Arimaha Soo Kordhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya:-Rex Tillerson Oo Nairobi ku Sugan Iyo Kulamo Uu Baajiyay + Arimaha Soo Kordhay.

Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Mareykaka Rex Tillerson ayaa baajiyay kulamadii la qorsheynayay inuu maanta oo Sabti ah ku qaato Nairobi, sababa la xiriira caafimaadkiisa oo liita.

"Xoghayaha caafimaadkiisa ayaan wanaagsanayn kadib dhowr maalmood oo uu ku jiray shaqa adag oo la xirrirta arrimaha Kuuriyada Waqooyi", ayaa lagu sheegay qoraal ay shaacisay waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka.

Mr Tillerson oo Afrika ku jooga booqashadiisii ugu horeeysay ayaa dalka Kenya joogi doono ilaa iyo maalinta Isniinta ah.

Waxaa lagu waday inuu maanta booqdo mashaariicda ee HV/AIDS ee ay dowladda Mareykanka maalgelisay iyo inuu ka qeybgalo xaflad loo sameynayay sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay weerarkii ay Al Qaacidda ku qaaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Shalay ayay ahayd markii uu madaxweeynaha Mareykanka Donald Trump uu oggolaaday in uu la kulmo madaxweeynaha Kuuriyda Waqooyi Kim Jong-un Bisha May.

Mas'uuliyiinta safarkan ku wehliso Mr Tillerson ayaanan sheegin nooca xannuun ee xoghayaha, haseyeeshee waxaa loo maleeynayaa in xanuunkiisu uu yahay mid sahlan.

Mr Tillerson ayaa joogay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa markii uu so baxay warka sheegaya in Trump uu aqbalay inuu la kulmo Mr Kim Khamiistii.

Go'aankan ayaa lagu soo warramayaa inuu Trump qaatay isagoo aan talo gelinin Tillerson.

Mareykanka oo cambaareeyay xaaladda degdeg ah ee lagu soo rogay Itoobiya

Madaxda caalamka oo soo dhaweeysay wadahadal ay yeeshaan Trump iyo Kim Jong-un

Kenya's President Uhuru Kenyatta (R) greets U.S. Secretary of State Rex Tillerson and his delegation prior to a meeting at the State House in Nairobi, on 9 March 2018Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionRex Tillerson ayaa la kulmay Uhuru Kenyatta markii uu Jimcihii gaaray Nairobi

Saacado uun ka hor inta uusan go'aankan la yaabka leh ka soo bixin Washington, ayuu Tillerson u sheegay warfidiyeenada in Mareykanka uusan wax wadahadal toos ah la geli doonin Kuuriyada waqooyi mustaqbalka dhaw.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa soo maray Itoobiya iyo Jibuuti, waxaana lagu wadaa inuu hadda u sii safro dalalka Chad iyo Nigeria.