Gudaha:- Xildhibaanada soo socdaa yaanay noqon sida kuwa hada jooga "Awr Dabar la,aan dhacay.

0
Sunday March 11, 2018 - 08:06:10 in by salman abdi
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:- Xildhibaanada soo socdaa yaanay noqon sida kuwa hada jooga "Awr Dabar la,aan dhacay.

    Gudaha:- Xildhibaanada soo socdaa yaanay noqon sida kuwa hada jooga "Awr Dabar la,aan dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:- Xildhibaanada soo socdaa yaanay noqon sida kuwa hada jooga "Awr Dabar la,aan dhacay.

Xisbiyada iyo Cida ay khusaysaa ha ka fikiraan Doorashada ka hor Dabarkii Qaban lahaa Xildhibaanada Wakiillada iyo Deegaanka, si ay Xubin waliba ugu shaqeyso Siyaasada Xisbiga uu ka soo baxay, Xisbiguna uu u bedeli karo Xubinta jebisa sharciga una keeni lahaa Xubinta 2 aad ee sugaha ah ee Xisbigiisa, si looga badbaado hungada iyo Khasaaraha Xikdhibaanku Qaranka, Dimuquraadiyada iyo Asxasbtaba u geysanaayo. Guud ahaan Xisbiyada waxaa ka haysta dhibaato in aanay Siyaasiga ay soo dhallaan ama ku soo tabcaan ee ay keennaan Golayaasha Deegaanka ama Wakiillada aanu ahayn siyaasi ay ku xakamayn karaan Siyaasada Xisbiga uu ku soo baxay, ee aanu noqon Xidhibaan marka uu soo baxo u foof taga halka uu rabo oo weliba Dagaal la galla Xisbigii dadka baray ee Beertay. Waxaan ku tallin lahaa Xisbiyadu guud ahaan inay dabar adag oo xidha u sameeyaan dadka ay keenayaan intaanay Doorashoba la gelin. Hadii kale wax macno ah ma samaynmaayo Doorashada iyo cida imanaysaatoona. Xildhibaan ku sheeg soo shaqo tagay oo lacag raadis ah uun baa la soo kordhiyey oo u daran cid walba. Sida ! Misaaniyada badan ee ku baxaysa Haayad dhan ee u baahan kharash ay ku shaqayso oo nooc walba leh. Haday tahay ayaga Mushaharadooda. Haday tahay Shaqaallahooda. Haday tahay wixii loo baahnaa oo dhan. Sidoo kale iska daa waxay taraane waxa ay Khal khal gelinaaan ama ay ka hor imanayaan nidaamka Xisbinimadu in uu shaqeeyo oo uu kobco. Nidaamka Dawladnimadu in uu shaqeeyo oo uu taaba gallo. Musuqii iyo cadallad daradii oo kii ilaalin lahaa uu isagii noqonaayo Xerada ama halka saldhiga u ah Booliga. Hadii musuqa iyo Cadaallad daradu koraan Nabadgelyadi ayey wax weyn yeellayaan oo dhaawacayaan. Qabyaalladii oo iyana ay sii xoogaynayaan, oo Xildhibaanku marna uu noqonayo ku shubasho cid waliba adeegsato, marna uu noqonaayo Qabiilayste aan ku abtirsan Xisbi iyo maamul oo aan lahayn cid isaga la xisaabtanta dhufayskiisuna noqdo Qabiil aanu maca isaga naf u haynin. Waa in uu jiraa Xeer lagu bedali karo oo uu Xubinimada uu ku waayi karo, laguna bedali karo oo xisbigu keeni karaa Xubintii ku soo xigatay isaga. Hadii kuwa hada jooga oo kale uun ay noqonayaan oo wax qabtaaba aanu jirin, waxaan odhan lahaa "ha la iska daayo waaba laga maarmi karaaye Doorashadooda" Waayo? Waa in waxa la samaysanaayo ee dhaqaallaha iyo wakhtigu ku baxayaan ay baahi jirta ay daboollaan, hadii se ay khasaare keenayaan la iskaba daayaa. Maaha macnuhu in Magacyo iyo dad dhibaato iyo jahwareer uun soo kordhiya la inoo soo xanbaaro. Sidoo kale waa in aanay Xisbiyadu iska keenin mid u soo hagoogtay Reerkooda, oo odayaal aan ka fiirsani ku keeneen sifooyin khaldan oo aanay ayaga laftoodu dhaadi karin ama garan karin. Waa in la hellaa Siyaasad ay ku kalla duwanyihiin iyo aragtiyo kalla jaad ah oo ay hogaanka u hayaan Asxaabta sadexda ah ee Dalku leeyahay, taas oo leh Siyaasad iyo dabar iyo hogaan adag oo aanu ka gudbi karin Xildhibaanku Xisbigiisuna uu kulla xisaabtamo mar walba. Waxaa in badan dhacday Xildhibaano markii ay soo bexeen ay ugu danbaysay Xisbigoodii dadkaba barray iyo Asalkoodii ay ka yimaadeen. Kuwaas oo markaba ku tallaabsaday dadntooda shaqsiga ah iyo halka ay ka hellayaan waxa ay lafahooda uun ay u rabaan, ayaga oo iska garab marraya wacadkii ay la galleen Xisbiga iyo Wacadkii iyo dhaartii ay u galleen Qarankaba. Waxaan in badan aan arkay Xildhibaan isu soo wada marray Asxaabta sadexda ah ee Qaranka, oo ku soo wada dabaashay sedexda Berkadood ee sadexda Xisbi Qarran. Waa wax aad loogu qoslo oo u baahan in wax laga bedalo nidaamkaa Saabka ah ee aan buuxsamahayn ee, wax kasta oo lagu shubo gunta ka sii daynaya. Waxay kow ka tahay waxyaabaha isu keen qaban waayey ee isku cayn iyo bayd go,ay ama isku qasan ilaa maanta. Waxaa ogaydeen oo Dalka ka dhacday in Xubin Xisbi ka soo baxday oo hadana Xisbigiii uu u Xushay inuu noqdo Gudoonka Wakiillada, in uu Xisbi kale furtay Gudoomiyena ka noqday oo kaaga sii darane uu uba orday hadana hogaanka Dalka ugu Sareeya isaga oo wixiisu wada khaldanyihiin. Markay sidaas tahay miyeynaan kuligeen been ka wada sheegahayn inay horu marto Dimuquraadiyada aynu kolba mar maroorinayno ee tarbiicaha iyo tuuraha aynu u wada samaynay. Miyaan waxeenu wada khaldanayn oo aanay noqonayn " Hal Xaarraan ahi Nirig Xallaal ah ma dhasho" Xisbiga Ucid iyo Kulmiye oo aan si gaarra u gala baxaayo asxaabta maadaama ay ahaayeen kuwii keenay Xildhibaanadii mudada badan fadhiyey Wakiillada ee hadana mid waliba ka foof tagay Xisbigiisii. Wollow cida keliya ee la wada fadhataystay ee la tun jileec saday ay ahayd Xisbiga Ucid, oo aan filaayo in aan xitaa hal Xildhibaan looga tagin iyada oo heshay xiligaa tirada guud Ucid Xildhibaanada G. Wakiillada 21kursi oo ay ku heshay Gudoomiye isbahaysigii dhex marray Mucaaridka uu ku qaatay Shir Gudoonka halka Kulmiyana qayb u hellay 2 ku xugeen.