France:- Hogaamiyaha mucaaradka Farc ee Colombia oo tartanka doorashada isaga baxay Iyo Sababta.

0
Sunday March 11, 2018 - 08:27:04 in by salman abdi
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    France:- Hogaamiyaha mucaaradka Farc ee Colombia oo tartanka doorashada isaga baxay Iyo Sababta.

    France:- Hogaamiyaha mucaaradka Farc ee Colombia oo tartanka doorashada isaga baxay Iyo Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

France:- Hogaamiyaha mucaaradka Farc ee Colombia oo tartanka doorashada isaga baxay Iyo Sababta.

Hogaamiyihii mucaaradka Farc ee dalka Colombia ayaa sheegay in tartanka madaxwaynanimada uu isaga baxay .

Arrintan ayaa lagu micneeyay in sababo caafimaad dartood uu tartanka uga baxay Rodrigo Londoño.

Mr Londoño, ayaa ka soo kabanaya qalliin dhanka wadnaha looga sameeyay Arbacadii aanu soo dhaafnay.

Rodrigo Londoño ayaa la sheegay in uu haystay taageero dhan 1%.

Balse mucaaradka Farc ayaa waxa ay sheegeen in musharxiintooda u tartamaya xilalka baarlamaanka ay tartanka Axadda ka qayb qaadan doonaan.


Heshiiskii sanaddii 2016 lagu soo afjaray dagaalkii ay ku jireen mucaaradka Farc ayaa waxa qayb ka ahaa in ay noqdaan xisbi siyaasadeed.

Rodrigo Londoño ayaa muddaba xanuunsanaa isaga oo sanaddii 2015 uu ku soo booday xanuun dhanka wadnaha ah xilli wadaxaajood ay dowladda Colombia kula jireen.

Mucaaradka Farc oo horey u ahaan jiray jabhad hubaysan ayaa waxay dowlada Colombia ay la dagaalamayeen muddo nus qarni ah.