Hargeisa:- Dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Bilowga Wada Hadalada Ka Taagan "Kaaf Iyo Kala Dheeri"

0
Sunday March 11, 2018 - 13:06:08 in by salman abdi
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Bilowga Wada Hadalada Ka Taagan "Kaaf Iyo Kala Dheeri"

    Hargeisa:- Dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Bilowga Wada Hadalada Ka Taagan "Kaaf Iyo Kala Dheeri"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Bilowga Wada Hadalada Ka Taagan "Kaaf Iyo Kala Dheeri"
Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u muuqda inay kaaf iyo kala dheeri taaganyihiin, marka la eego wada
hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee qorshaysnaa in daah-fur loogu sameeyo bishan dalka Djibouti, ka dibna ay ka furmaan dalka
Switzerland.Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay magaalada Hargeysa ka sheegay in wada hadalada la hakiyay
muddo bil ah, duruufaha jira dartood, isagoo yidhi " Wadda hadalada inaynu la galno waa arinkii baarlamaanku ansixiyey ee dawlad ahaan
aynu qaadanay kamaynaan noqon. Balse wakhtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto markaa muddo bil ah
ayaanu dib u dhignay wada hadaladii marka ay bishu dhamaato ayaanu eegaynaa duruuuftu siday tahay inaynu la bilawno iyo in kale.”
Hase yeeshee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa geestiisa wuxuu isna shalay Muqdisho ka sheegay inay la bilaabayo wada hadaladii
Somaliland iyo Soomaaliya, "Waxaan dhawaan bilaabi doonaa wada-hadalka aan la leenahay Somaliland dadka Soomaaliyeed waa dad
walaalo ah oo aan kala maarmin wixii khilaaf ahna waxaan ku dhameyn doonnaa miiska wada hadalka” sidaas ayuu yidhi Maxamed
Cabdillaahi Farmaajo.
Maxaa sababay?
Waxa muuqata inay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay halis gelin karaan hadalada ay dhawaan madaxda Soomaaliya kaga
dareencelisay heshiiska saddex geesoodka ah ee ku saabsan dekedda Berbera ee ay Somalialnd, DP world iyo Itoobiya kala saxeexdeen. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hadaladaas ay dawladda Somaliya kaga tiraabcelisay heshiiskaas ku tilmaamay dagaal
ka dhan ah Somaliland oo ay dawladda Soomaaliya ku dhawaaqday.
Safarka Farmaajo ee Qatar
Dawlada Qatar ayaa u muuqata inay si aan toos ahayn ugu jirto dagaalkan diblomaasiyadeed ee ka dhex socda Somaliland iyo Soomaaliya,
iyadoo indhaha ku haysa xifiltanka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Qatar iyo Imaaraadka Carabta.
Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu
toddobaadkan safar ku tagayo dalka Qatar. Socdaalka Farmaajo ayaa isna qayb ka ah arrimahan socda. Dawladda Qatar iyo dawladda
Imaaraadka Carabta ayaa ah labada dawladood ee kala hoggaaminaya khilaafka wadamada gacanka Carabta, waxaanu madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo la saftay dawladda Qatar.
Sidaas daraadeed, dawlada Qatar oo u muuqata inay hadda aragtay fursad ay kaga faa’iidaysan karto xifiltanka ka dhexeeya dalka
Imaaraadka Carabta ayaa martiqaad u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waxaana la saadaalinayaa in
magaalada Dooxa lagu soo dejiyo qorshe diblomaasiyadeed oo ka dhan ah heshiiska saddex geesoodka ah ee Berbera.