War Deg Deg Ah Gabadh Diyaar Garowgii Arooskeeda Ku Jirtay Oo Lagu Dilay Magaalada Hargeysa+Cida Dishay.

0
Monday March 12, 2018 - 13:04:56 in by salman abdi
  • Visits: 951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Gabadh Diyaar Garowgii Arooskeeda Ku Jirtay Oo Lagu Dilay Magaalada Hargeysa+Cida Dishay.

    War Deg Deg Ah Gabadh Diyaar Garowgii Arooskeeda Ku Jirtay Oo Lagu Dilay Magaalada Hargeysa+Cida Dishay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Gabadh Diyaar Garowgii Arooskeeda Ku Jirtay Oo Lagu Dilay Magaalada Hargeysa+Cida Dishay. Gabadh Diyaar Garowgii Arooskeeda Ku Jirtay Oo Lagu Dilay Magaalada Hargeysa Ciidamada Booliska Somaliland ayaa baadhaya kiis dil ah oo shalay ka dhacay xaafada 150-ka ee magaalada Hargeysa ,taas oo aheyd gabadh doonanayd oo diyaar garow ugu jirtay aqal galkeeda.

Wararka aanu helnay waxaa ay sheegayaan in dilkan loo qabtey oo lagu eedeyey wiil ay ehel yahiin "Waxaan wax yar ka hor maqlay qeylo ka yeedhaysa xaafad iga soo hor jeeda , waan baxay si aan u ogaado waxa dhacay , gudaha ayaan guriga u galay , waxan la kulmay xaliimo oo aheyd inan maalin walba aanu is arragno mudo dheerna aanu jaar aheyn oo gawracan ” sidaas waxaa xidhiidhka bulshada ee Facebook ku baahisay Hibo Cali Xaaji Raabi waxaana ay intaas ku dartey.
 

 

"Xaliimo waxaa ay aheyd aroosad lagu hawlanaa xeedhooyinkeeda shalay-na waxaa ay soo eegatey qalabkii gurigeeda ( Furniture ) ” ayey tidhi hibo, Xogaha Wargeyska Saxafi helay qaarkood waxaa ay sheegayaan in ciidamada amaanku ay ku guuleysteen inay qabteen eedeysanaha oo la sheegay in ay Inaabti yahiin .

Wax faah faahin ah lagama bixin dilkan sida uu u dhacay iyo sababta midna , gabadhan ayaa sida aanu hor u soo sheegnay u mehersaneed wiil kale oo la sheegay in isaga laftiisa ay Inaabti yahiin , kaas oo dalka dibadiisa ku maqan lana filaayey in uu dalka dhawaan imaado si uu u aroostogabadha u mehersaneed.


XIgasho Wargayska Saxafi