Sannaguuradii 8aad ee Dallada SYNA iyo Soo Dhoweynta Badahsabka Cusub ee Togdheer oo Burco lagu qabtay+SAWIRO

0
Tuesday March 13, 2018 - 16:31:01 in by salman abdi
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sannaguuradii 8aad ee Dallada SYNA iyo Soo Dhoweynta Badahsabka Cusub ee Togdheer oo Burco lagu qabtay+SAWIRO

    Dallada Wacyigelinta iyo iskuxidhka Dhalinyarada Somaliland ayaa Munasibad Ballaadhan ugu Dabaaldegtay Sannaguradeedii 8aad isla markaasna kusoo Dhoweysay Guddomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dallada Wacyigelinta iyo iskuxidhka Dhalinyarada Somaliland ayaa Munasibad Ballaadhan ugu Dabaaldegtay Sannaguradeedii 8aad isla markaasna kusoo Dhoweysay Guddomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer.

Munasibaddanoo lagu qabtay Deero Hotel ayay ka qaybgaleen Badhasaabka Gobolka Togdheer, Guddomiyaha Jaamacadda Alpha, Maamulaha Dugsiga Sare Ileyska Togdheer Sh, Mawliid, Guddomiyaha Naadiga Halkaraan Axmed Haykal iyo Masuliyiinta Dallada SYNA,

Guddomiyah Dallada SYNA Maxmed Xasan Doonyaale ayaa khudbad uu halkaas ka Jeediyey kaga Xog warramay Doorkii iyo muhiimada aasaaska Dallada SYNA, waxanu iftiimiyey in Hadafka Koowaad ee Dallada SYNA yahay Isku xidhnaan, isku duubni, iyo Midnimo waarta oo Dhalinyarada Somaliland oo dhan Dhex marta,ka madhan Eex, Ka madhan qabyaalad, kana madhan xifaaltan gobol iyo iskooxaysi.Image may contain: one or more peopleImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: Axmed Haykal DhiirigaliyeImage may contain: 2 people, including Kaltun Mahamed, people sitting and indoor

Guddomiyihi hore SYNA Eng Maxbuub ayaa isna soo Bandhigay Maraaxilkii ay Dallada SYNA soo martay sidoo kalena iftiimiyey Cidda ka caawisa BArnaamijyada ay SYNA Fuliso,isagoo Tilmaamay inay Dhalinyaradu qaadhaan isaga ururiyaan Barnaamij kasta isla markaasna ay jecel yihiin Taageerada iyo Garab istaagga dhalinyarada.
Image may contain: 1 person, eating and sitting

Guddomiyihi Hore Halkaraan ahna Masuliyiinta Dallada SYNA Mustafe Osman ayaa isna Badhasaabka Togdheer usoo jeediyey inu Gacanta ku dhigo Dhalinyarada Isla markaasna Gacantiisa midig ka dhigto, kuwaasoo ah bu yidhi kuwo keliya ee ku guuleysiin kara gobolka na ka qabta shaqooyin iyo barnaamijyo badan oo anlagu garab joogsan dawlad ahaan, wuxuna kula dardaarmay inay dhiirigelinta dhalinyaradu tahay shidaalka ay dhalinyaradu kushaqayso ee ay gidaar walba ku jiidhi karto isla markaasna uu maamul ahaan kaga faaidaysan karo wax kasta oo horumarka gobolka.

Masuliyiintii ka qaybgashay Munasibadda ee ay ka mid ahaayeen Guddomiyaha Jaamacadda Alpha Abdiqani Ibrahin Hassan, Maamulka Dugsiga Sare ee Ilayska Togdheer Sh mawliiid, iyo Guddomiyaha Halkaraan Axmed Haykal aya si weyn u ammaanay Dallada SYNA, iyagoo Badhasabkana uso jeediyey inu la shaqeeyo Dhalinyarada, isla markaasna Taageero Dhalinyaradaa ka shaqaynaysa isku duubnida Dhalinyarada.

Gebogabadiina Badhasaabka Togdheer ayaa Halkaas kasoo Jeediyey khudbad Dhiirigelin ah isla markaasna Dhalinyarada ugu soo jeediyey inu Barbarjoogo kulankan mid ka ballaadhanna ay yeelaan doonaan maamul ahaan iyo dhalinyaro ahaan, isagoo si gaar ah u ammaanay Dallada SYNA ee B arnaamijkan so qaban qaabisay, wuxu xusay In Dalladii Dhalinyarada iyo Naadigii ugu weyna ee Akhriskuba ay ku yaallaan Burco Nasiibna ay u yeeshen Togdheer ahaan in Dhalinyaradaas iyo Ururadaas ay haystaan.

Waxana Ugu danbayntii Halkas Suugaan iyo Majaajilo kuso Bandhigay Majaajilayste Deeq Maroojiye iyo Cabdiraxman Qalabjaan waxana Abaalmarino iyo shahaado sharafyo la guddoonsiyey Shakhsiyaadka iyo Shirkadaha Sida weyn uga qaybqaata kalana shaqeeya Arrimaha ay SYNA ka shaqayso sida Shirkadda SAGALJET, Deero Hotel,Gollis Hotel iyo Jaamacadad ALPHA iyo weliba Xubnaha Ugu firfircoon Dallad oo ay ka mid yihiin Mustafe Osmaan Eng Maxbuub iyo Kaltuun Maxmed Muse.
Image may contain: 1 person


Afkashacabka.com
Burco / Office
Afkashacabka@gmail.com