Congo:- Tiro dad ah oo lagu dilay dagaallo ka soo cusboonaaday Congo.

0
Wednesday March 14, 2018 - 08:16:29 in by salman abdi
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Congo:- Tiro dad ah oo lagu dilay dagaallo ka soo cusboonaaday Congo.

    Congo:- Tiro dad ah oo lagu dilay dagaallo ka soo cusboonaaday Congo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Congo:- Tiro dad ah oo lagu dilay dagaallo ka soo cusboonaaday Congo.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay Jamhuurriyadda Dimuquraaddiga ah ee Congo, kaddib markii rag aad u hubaysani ay soo weerareen tuulooyin ku yaal bariga dalkaasi.

Raggaas ayaa la sheegay inay adeegsanayeen faasas, fallaarro iyo qoryaha AK47, ayagoo bilaabay inay gubaan dadka guryahooda.

Ugu yaraan hal tuulo oo ka mid ah tuuloyinka la gubay ayaa ku taal gobolka Ituri, sida laga soo xigtay raadiyaha ay Qaramada Midoobay gacanta ku hayso ee Okapi.

Raadiyaha ayaa sheegaya in dadka dhintay ay tiradoodu gaarayso 41 qof, sida ay ku warrameen dadka deegaanku, labo ka mid ah tuulooyinka oo keliya waxaa la sheegay in ay ku dhinteen dad gaaraya 10 qof.

CongoLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionKumannaan qof ayaa qaxay tan iyo intii ay rabshaduhu dib u bilowdeen bishii December

Rabshadaha ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee la xiriira isku dhacyada qowmiyadaha, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 100 qof tan iyo bishii December.

Dad gaaraya 200'000 oo qof ayaa lagu qasbay in ay guryahooda ka cararaan, khilaafka u dhexeeya qabaa`ilka lo`leyda ah ee Hema iyo beeralleyda Lendu ayaa lagu eedeeyay in ay rabshadaha sii kordhiyeen

Dhibaatada ka jirta Ituri waa mid ka mid ah khilaafaadka soo noqnoqda ee Congo ka dhaca.