War Deg Deg Ah Gudoomiye Jawaari Oo Laga Gudbiyay Mooshin ka Dhan ah.

0
Wednesday March 14, 2018 - 08:16:29 in by salman abdi
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Gudoomiye Jawaari Oo Laga Gudbiyay Mooshin ka Dhan ah.

    War Deg Deg Ah Gudoomiye Jawaari Oo Laga Gudbiyay Mooshin ka Dhan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Gudoomiye Jawaari Oo Laga Gudbiyay Mooshin ka Dhan ah.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa gudbiyay Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Sheekh Cisman Jawaari.

Xildhibaanadan oo saaka Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay tiradooda inay ka badan tahay 100 Xildhibaan, waxayna sheegeen inay Mooshin sharci ah ka gudbiyeen Gudoomiye Jawaari.


Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay inay doonayaan isbedel dhab ah oo ku yimaada hoggaanka Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanadan ayaa ku eedeeyay Gudoomiye Jawaari inuu caburiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena uu ku takrifalay awooda Baarlamaanka.

Mooshinka waxaa kale oo ku xusnaa in Gudoomiye Jawaari uu dib u dhac wayn ku keenay arrinta ku aadan dib u eegista Dastuurka Somaliya.