Caalamka:- Bilayska Imaaraadka Carabta oo Ku Raad Jooga Muwaadin Kenyan ah oo Xaday 136 Million oo Dollar.

0
Wednesday March 14, 2018 - 08:16:29 in by salman abdi
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Bilayska Imaaraadka Carabta oo Ku Raad Jooga Muwaadin Kenyan ah oo Xaday 136 Million oo Dollar.

    Caalamka:- police-ka Imaaraadka Carabta oo Ku Raad Jooga Muwaadin Kenyan ah oo Xaday 136 Million oo Dollar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- police-ka Imaaraadka Carabta oo Ku Raad Jooga Muwaadin Kenyan ah oo Xaday 136 Million oo Dollar.

Muwaadin u Dhashay Dalka Kenya ayaa Waxaa uu Xaday Lacag Dhan 136 Million oo Dolar Ka Mareykanka Sida Laga Soo Xigtay Saraakiisha Laamaha police_ka ee Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Charles Karanja oo Waardiye Ka ahaa Mid Ka mid ah shirkadaha ku yaal Dubai ayaa La Sheegay in uu Qorshe adag u Dagay Saaxubada Kale ee Shaqo Wadaaga ahaayeen Ka Hor inta uusan Xadin Lacagtaasi.

Lacagtaan Malaayiinta ah ayaa La sheegay in ay Saarneyd Gawaarida Lagu Qaado Lacagaha Bankiyada.

Waardiyahan ayaa Saaxiibadiis u sheegay in uu Doonayo in uu Nasto iyadoo Intaa Ka Dib ay Soo baxday Maqnaashiyaha Lacagtaasi.

Muwadiinta Kenya ayaa iyagana baraha Bulshada ku Cabiray Falka uu Geystay Mr
Charles Karanja Waxaana ay Sheegeen in Magac Xun uu u soo Jiiday Dalkooda iyo Dadkooda.

Balse Aragti Taa Ka Duwan ayaa iyana Waxaa Qaba Qaar Kale oo Rujeeyay Waardiyahaasi Nasiib uu ku heesto Lacagtaasi.

Sawirka eedeysanahaan ayaa lagu Dhajiyay Shaaricyada Magaalada Dubai iyadoo Police_ka ay Baadi Goob ugu Jiraan.