Hargeisa:-Ex Wasiir Cadami Oo Dhulka Jiidey Madaxweyne Farmaajo Iyo Maamulkiisa Ku Eeg Magaalada Xamar.

0
Thursday March 15, 2018 - 11:41:29 in by salman abdi
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Ex Wasiir Cadami Oo Dhulka Jiidey Madaxweyne Farmaajo Iyo Maamulkiisa Ku Eeg Magaalada Xamar.

    Hargeisa:-Ex Wasiir Cadami Oo Dhulka Jiidey Madaxweyne Farmaajo Iyo Maamulkiisa Ku Eeg Magaalada Xamar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Ex Wasiir Cadami Oo Dhulka Jiidey Madaxweyne Farmaajo Iyo Maamulkiisa Ku Eeg Magaalada Xamar. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay in aanu isku daalin isla markaana aanu sheegan Somaliland oo aanu xukumin, waxaanu kula taliyey inuu ku eekado Somaliya, waxaanu wax aad loola yaabo ku tilmaamay Barlamaanka Somaliya, oo uu xusay inay cod u qaadeen dal iyo dad aanay masuul ka ahayn.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay xilka loo magacaabay Danjire Cawil ee ah la taliyaha Madaxweynaha ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,waxaanu sheegay inuu Cawil yahay masuul xogogaal ah oo wax badan u soo joogay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi "Qofku inuu ka fiirsado erayga uu odhanayo ayaa haboon, in aynaan inagu ku dayan, oo aynaan cay ugu jawaabin Somaliya ayaa wacan, ninka xaqlaha ah ee dhulkiisa leh, cid wax ka qaati kartaa ma jirto, balse Barlamaanka Somaliya ayaa wax ku saabsan Somaliland diiday waa iska riyo, kaftan iyo garaad daro weyn, Barlamaanka Somaliland waa kii hore codkiisa u bixiyey, iyagoo toodi qaadi kari laha, oo shuruucdoodii iyo nidaamkoodiiba qabyo ka yahay, inagu Somaliya caayi mayno, habaari mayno, u aamusi mayno, wax garado ahna ka qaadan mayno”. Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliya ayaa yidhi "Haddii ay Somaliland wada hadalada hakisay waa caadi, adduunku burburi maayno, ee wakhti ka badanba waa la heli insha allaah, ee dantu Madaxda Somaliya waxay ugu jirtaa inay xaqiiqada u soo noqdaan, caadifada iyo hadalada qaloocan ee aan waxba u tarayna ha iska daayan, mana wada socon karaan gef, awood sheegasho iyo Dawlad kale yaan xukumaan oo aan dhabarka u ridaynayaan, tiisaba daryeela ayaa tu kale ku dara, ee qofku wuxuu leeyahay ayuu ku dagaalami karaa ilaa ay naftu ka baxayso, ee waxaanu isagu lahayn, oo taladeeda lahayn, maaha inuu isku daaliyo, Farmaajo waxaan leeyahay waxaad leedahay ayaa lagu dagaalama ilaa inta aad ka dhimanayso, ee Somaliland ma lihide ha ku daalin, cidina cid kama xoog weyna, ee waa la isku saaxibo sheeganayaa,ee haddii u saaxibkaa laciif noqdo, waa lagu jiidhayaa, ee cidii masuuliyadeeda garanaysa, saaxibadeedana dhawraynaysa, kuwaas ayey guushu raacaysa”. Mar uu ka hadlaayey xilka loo magacaabay Danjire Cawil ee ah la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi "Cawil waa nin reer Somaliland ah, waa nin u dhashay Somaliland, Cawil wuxuu ka mid ahaa raggii dhalinyarnimada ku dhigay kacdoonka, oo wixii markaas soo socday ee tagay u muuqanayeen, hadda lafteedana intii uu joogay iyo xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay, wax eed ah oo isaga si gooniya loogu sheegay anigu garan maayo, dadkana in la hawl galayo oo qof kastaaba wixii uu ku fiican yahay loo diraa, wuxuu ka soo bixi karaana in loo dhibaa wey fiican tahay, Cawil waa nin khibrad leh, xilkan loo magacaabayna wanaag mooye marnaba xumaan ku keeni mayso”