London:-Dalka Ingiirka Oo Soo Wajahday Fadeexadii Ugu Baladhanayd Ee Indhawayd Wadankaasi Asiibta Iyo Sida Ay U Dhacday.

0
Friday March 16, 2018 - 13:06:02 in by salman abdi
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    London:-Dalka Ingiirka Oo Soo Wajahday Fadeexadii Ugu Baladhanayd Ee Indhawayd Wadankaasi Asiibta Iyo Sida Ay U Dhacday.

    Dalka Britain ayaa waxa ka dhacday fadeexad gilgishay Dalkaasi, taasi oo ah kufsi lagula kacay 1,000 gabdhood oo carruur ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Britain ayaa waxa ka dhacday fadeexad gilgishay Dalkaasi, taasi oo ah kufsi lagula kacay 1,000 gabdhood oo carruur ah.

Falkaasi aadka u foosha xun ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Telford ee Dalkaasi waxaana falkaasi ku kacay koox la sheegay inay maafiya tahay fadeexadan ayaa waxay noqotay Fadeexadii ugu weynayd uu lagula kaco gabadhaha aadka u yaryar abid ee ka dhacda dalkaasi.


Sida lagu baahiyay wakaaladaha wararka ee dalkaasi kooxdan fallaagada ah ayaa waxay ka hawl galayeen dalkaasi tan iyo 1980kii waxa aanay kaxaysteen gabadhaha yaryar kuwaasi oo ay ku qasbaan in bartaan oo ay isticmaalaan maandooriyaha, sidoo kalena waxay gabdhahaasi yaryar kula kaceen jidh dil aad u xun, intaasi kadibna way kufsadeen.


 

 

Dambiyada laga diiwaangaliyay arrimaha la xidhiidha kooxdaasi fallaagada ah ayaan si dhab ah loogu hawlgalin wax ka qabashadooda waxaana wax ka qabasha la’aanta arrintaasi lagu eedaynayaa ciidammada Dalkaasi, dhinaca kale Wargeyska The Miror ee ka soo baxa dalkaasi oo ka soo xigtay Wargeyska Himilo ayaa waxa uu baahiyay in wali falalka noocaasi ahi ay ka socdaan magaaladaasi.