Muqdisho:-Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Ee Konfurta Soomaaliya Oo Goaan Ka Soo Saaray Heshiiska Dekeda Berbera
Xildhibaanada aqalka sare ee soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiiska sadex geesoodka ah ee ay wada galeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkada DP World.
Xildhibaanada aqalka sare ayey laba maalmood ku qaadatay inay go’aankan soo saaraan ka dib markii loo soo gudbiyey xeer ay shirkada DP World dalka kama mamnuuceen golaha shacabku.
Gudoomiyaha aqalka sare ee soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codayntii xildhibaanada waxaanu yidhi " xeerka waxa ogolaaday 28 xildhibaan,waxa diiday 6 xildhibaan 2 ayaana ka aamusay,sharcigaasinasidaas ayuu ku dhan yaha.”
Xildibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey dood adag ka yeeshay heshiiskan dhex maray labada somaliland, itoobiya iyo shirkada DP World.
Muqdisho:-Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Ee Konfurta Soomaaliya Oo Goaan Ka Soo Saaray Heshiiska Dekeda Berbera
Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa isku raacay inaanay shirkada DP World ka shaqayn Karin soomaaliya.