Caalamka:- Beesha caalamka oo walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Somaliya

0
Saturday March 17, 2018 - 08:15:26 in by salman abdi
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Beesha caalamka oo walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Somaliya

    Caalamka:- Beesha caalamka oo walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Beesha caalamka oo walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Somaliya

War kasoo baxay Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriika iyo Mareykanka ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay Soomaaliya.

Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhawraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasilooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho in aanan u dhabarka ugu jabin Horumarka Soomaaliya.


Si gaar ah waxa ay ugu baaqeen Hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta in aysan u horseedin is qab-qabsigooda foodo iyo kala dambeyn la’aan dalka uu galo.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in xal siyaasadeed la kala dhex dhigo labadaan Hay’adood ee fulinta iyo Xeer dajinta oo ka mid ah tiirarka ugu waa weyn ee Dowladda.

Waxaana warka kasoo baxay lagu sheegay in ay maqlayeen kulamada iska soo horjeeda ay yeelanayeen Xubnaha Mooshinka wada iyo kuwa ka soo horjeeda, wax walibana lagu xaliyo Sharciga oo loo hogaansanaado.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Cid waliba oo u istaagta daminta Xiisadaha Siyaasadeed, una saldhigta Nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Walaaca Beesha Caalamka ayaa imaanaya Xilli guuxa Magaalada uu yahay Mooshinka ka dhanka Gudoomiye Jawaari.