Somalia:-Wasaaradda amniga iyo Booliska oo beeniyay ciidamo inay la wareegeen Xarunta Golaha Shacabka

0
Saturday March 17, 2018 - 08:15:26 in by salman abdi
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:-Wasaaradda amniga iyo Booliska oo beeniyay ciidamo inay la wareegeen Xarunta Golaha Shacabka

    Somalia:-Wasaaradda amniga iyo Booliska oo beeniyay ciidamo inay la wareegeen Xarunta Golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:-Wasaaradda amniga iyo Booliska oo beeniyay ciidamo inay la wareegeen Xarunta Golaha Shacabka

Shirjaraa'id oo ay si wadajir ah u wada qabteen Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Xukuumadda Somaliya iyo Taliyaha cidiamada Booliska, ayaa waxa ay ku beeniyeen in ciidamo cusub ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa shegay xarunta Golaha Shacabka Somaliya inay la wareegeen ciidamo cusub oo ay Xukuumadda Somaliya soo dirtay.


Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Xukuumadda Somaliya Xasan Macalin Xuseen ayaa sheegay amar ka soo baxay Wasaaradda amniga Somaliya in ciidankaan lagu geeyay xarunta Golaha Shacabka.

"Runtii Maanta 2:0 duhurnimo ayaan ku amray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya in Ciidamo suga Amniga oo Boolis ah lagu kordhiyo Xarunta Golaha shacabka, wuuna aqbalay laakin ma jirto Ciidamo kale oo la geeyay, waxaana Ciidamadu sugi doonaan Amniga Xarunta iyo Xildhibaanada oo waa masuuliyad na saaran ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amnigaā€¯ayuu yiri Wasiiru dowlaha Amniga.

Taliyaha ciidamada Booliska ayaa dhankiisa sheegay ciidankaan inay yihiin kuwa ka tirsan Booliska Somaliya, islamarkaana ay yihiin Birmadka Booliska oo Taliska ciidanka Booliska hoostagga.