Caalamka:- Muranka u dhaxeeya Ruushka iyo Britain oo cirka isku sii shareeraya.

0
Saturday March 17, 2018 - 08:15:26 in by salman abdi
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Muranka u dhaxeeya Ruushka iyo Britain oo cirka isku sii shareeraya.

    Caalamka:- Muranka u dhaxeeya Ruushka iyo Britain oo cirka isku sii shareeraya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Muranka u dhaxeeya Ruushka iyo Britain oo cirka isku sii shareeraya.

Waxaa cirka isku sii shareeraya muranka u dhaxeeya Ruushka iyo Britain, ka dib markii la sumeeyay nin horey uga tirsanaan jiray.

Dowladda Britain ayaa falkani ku eedeeysay dowladda Ruushka.

Ruushka ayaa arrintan si caro leh uga jawaabay waxaa uuna sheegay in Madaxweyne Putin lala xiriiryo sumaaynta nin hore uga tirsananaani jiray sirdoonka Ruushka ay tahay arrin naxdin leh islamarkaana ah mid aan la cafini karin oo jebinaysa shuruucda caalamiga ah.

Xoghayaha guud ee gaashan buurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa BBC-da u sheegay in ururkiisa u si buuxda u taageerayo UK, balse waxaa u intaasi ku daray in wadaxaajodka lala yeelanayo Ruushka ay si socdan iyadoo ay jirto weerarka suntan ah.

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel oo Berlin ka hadlaysay waxay sheegtay in shirweynaha midoowga yurub mudnaanta la siin doono doodda ku saabsan weerarka Sunnta ah ee Ruushka lagu eedeeyay.

Merkel ayaa cambaareysay weerarka waxayna sheegtay in ay saadalin karin suurta galnimada tallaaboyiin ciqaab adag ah oo lala bartilmaameedsado Ruushka sida qaadacaada cayaaraha koobka addunka ee sanadkan ka dhici doona Ruushka.

Mareykanka, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa taageeray go'aankii Britain ee ahaa in Ruushku uu ka dambeeyay sumayntii nin horey ugu tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka oo ku sugnaa dalka UK.

Afarta dal ayaa waxa ay si wadajir ah u cambaareeyeen Ruushka, iyaga oo sheegay in uu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo loo adeegsado suntan waxyeelaysa neerfaha oo Yurub ka dhacda tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Waxay ugu baaqeen xukuumadda Moscow in arrintani ay shaaca uga qaado hay'adda caalamiga ah ee mamnuucidda hubka kiimikada ah.