Somalia:- Raiisal Wasaaraha Somaliya oo xalay kormeeray Saldhiga Degmada Hodan.

0
Sunday March 18, 2018 - 08:40:51 in by salman abdi
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:- Raiisal Wasaaraha Somaliya oo xalay kormeeray Saldhiga Degmada Hodan.

    Somalia:- Raiisal Wasaaraha Somaliya oo xalay kormeeray Saldhiga Degmada Hodan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:- Raiisal Wasaaraha Somaliya oo xalay kormeeray Saldhiga Degmada Hodan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqasho kadis ah ku tagay Saldhigga ciidamada Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Waxaa uu halkaasi ugu tagay Ra’iisul Wasaare Kheyre Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee degmadaasi oo xilligaas ku howlanaa suggidda amniga degmada.


Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhawr iyo labaatan sanno ka hor ka ahaa Askari Boolis ah oo ka tirsan saldhiggaas isla markaana "Oobiiga” qora ayaa bogaadiyay Shaqadda ay hayaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in saraakiisha ciidamada ay si hufan u gudanayaan waajibka saaraan ee ah Suggida Amniga.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah mid uu Ra’iisul Wasaaraha Somaliya habeenadan uu ku tagaayay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, xilli habeen ka hor Ra’iisul Wasaaraha uu tagay Degmada Heliwaa.

Xasan Cali Khayre ayaa xilligaan wuxuu ku jiraa dagaal siyaasadeed oo adag kaasi oo kala dhaxeeyo Golaha Shacabka Somaliya, gaar ahaan Gudoomiyaha Baarlamaanka.