Shan Rikoor Oo Laga Yaabo Inuu Mohamed Salah Jabiyo Xilli Ciyaareedkaan & Xidiga Reer Masar Oo Noqday Hadal Heynta Qof Walba.

0
Sunday March 18, 2018 - 14:04:29 in by salman abdi
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Rikoor Oo Laga Yaabo Inuu Mohamed Salah Jabiyo Xilli Ciyaareedkaan & Xidiga Reer Masar Oo Noqday Hadal Heynta Qof Walba.

    Shan Rikoor Oo Laga Yaabo Inuu Mohamed Salah Jabiyo Xilli Ciyaareedkaan & Xidiga Reer Masar Oo Noqday Hadal Heynta Qof Walba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan Rikoor Oo Laga Yaabo Inuu Mohamed Salah Jabiyo Xilli Ciyaareedkaan & Xidiga Reer Masar Oo Noqday Hadal Heynta Qof Walba.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa noqday hadal heynta ugu badan ee kubadda cagta, xalayto waxaa la baahiyay xaqiiqooyinkii ay xambaarsanaayeen afartii gool oo uu ka dhaliyay Watford, balse markaan waxaa lasoo bandhigay shan rikoor oo ay tahay inuu jabiyo si uu darajooyinkiisa u saa’idiyo.


Haddaba halkaan hoose ka akhriso rikoorada laga sugayo inuu Mohamed Salah jabiyo ama mid cusub ku badalo inta lagu jiro xilli ciyaareedkaan.

Xidiga Dhaliya Goolasha Ugu Badan Premier League Hal Xilli Ciyaareed:

Kaliya afar xidig ayaa sameeyay iney dhaliyeen wax ka badan 30-gool kulamada Premier League, waana Andy Cole, Alan Sheaer, Cristiano Ronaldo & Luis Suarez. Rikoorka goolasha ugu sareeya ee hal xilli ciyaareed lagu qaado horyaalka waxaa dhaliyay Shearer & Andy Cole oo 34-gool ku qaaday kabta dahabka. Salah hadda wuxuu u jiraa 6-gool isagoo 7-kulan heysta.

Afrikaanka ugu badan ee hal xilli ciyaareed goolal ka dhaliya Premier League:


Hadii Salah uu dhaliyo hal gool wuxuu barbareyn doonaa rikoorka Didier Drogba kaas oo ah Afrikaanka ugu badan ee hal xilli ciyaareed goolal ka dhaliyay Premier League, 2009/2010 ayuu sameeyay 29-gool, markaas oo uu qaaday gooldhalinta.

Gooldhaliyaha Liverpool ee xilli ciyaareedka:Wuxuu u muuqdaa mid hanan kara gooldhalinta Premier League, balse wali wuxuu garaaci karaa rikoorka Ian Rush ee 47-gool uu 65-kulan ku dhaliyay 1983/1984, ama inuu garaaco rikoorkaRoger Hunt 42 gool 1961/62, Ian Rush mar kale 40 gool 1986/87 ama Hunt mar kale 37 1964/65.

Sidoo kale Mohamed Salah waxaa laga sugayaa inuu jabiyo rikoorka (Goal Ratio) ama xisaabta lagu sameeyo kulamada iyo goolasha, 36-gool ayuu ku dhaliyay 41-kulan, wuxuuna heystaa 0.88 kulankiiba base waxaa ka sareeya Liverpool ahaan taariikhda Sam Raybould (0.94 1902/03), Jack Parkinson (0.94 1909/10) iyo Roger Hunt (0.91 1961/62).

Goolasha Ugu Badan ee Liverpool loo dhaliyo Premie League:Mohamed Salah 28-gool ayuu hadda u dhaliyay isagoo heysta 7-kulan, Luis Suarez ayaana ka horeeya oo 31-gool dhaliyay 2013/2014.