Imaaraadka Carabta Oo Afduubtay Dooni Kaluumaysi Oo Qadar Laga Leeyahay Iyo Golaha Amaanka Oo Lagaga Hadlay

0
Monday March 19, 2018 - 12:55:38 in by salman abdi
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka Carabta Oo Afduubtay Dooni Kaluumaysi Oo Qadar Laga Leeyahay Iyo Golaha Amaanka Oo Lagaga Hadlay

    Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay afduubteen Dooni kaluumaysi oo soo jeeda dhinaca wadanka Qadar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay afduubteen Dooni kaluumaysi oo soo jeeda dhinaca wadanka Qadar.

Doonidan oo ay la socdeen todoba qof oo dhamaantoodba ka soo jeeda wadanka India, hasayeeshee ku nool wadanka qadar.
Wakiilka Qaramada Midoobay u jooga wadanka Qadar oo lagu magacaabo Alia Ahmed Al-Thani ayaa golaha ka hor sheegay in arrintaasi ay tahay afduub isla markaana ay nabad galyadda wax badan u dhimi karto.
"Wadanka Qatar waxa uu golaha Amaanka iyo xoghayaha guud Antonio Guterres la socodsiinayaa in dooni kaluumaysi oo Reer Qatar ah lagu soo weeraray dooni kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiiin Imaaraadka Carabtu.
waxa halkaasi lagu afduubtay Todoba qof oo dhamaantoodba hindi ahaa kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay ku xadgudeen biyaha wadanka UAE.” Ayuu yidhi.
waxa uu Safiirku uu sheegay in ay dawladda Qadar aad u dhaleecaynayso arrintaasi, taas oo ka hor imanaysa buu yidhi shuruucda caalamka u taala.