somaliya:-Madaxweyne Farmaajo Iyo Gudoomiye Jawaari Oo Ka Wada Hadlay Mooshinka Ka Dhanka Ah Jawaari -
Kulan kan ayay labada masuul kaga wada hadleen arimaha kataagan Somaliya oo ay kamid ahayd mooshinka laga keenay gudoomiye Jawaari.
Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa Baarlamaanka waxaa ka yaallo Mooshin ka dhan ah, wuxuuna wajahayaa culeys kaga imaanaayo dhanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Mooshinkaan ka soo gudbiyay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa u sheegay Madaxweynaha Somaliya inuu ogol yahay Mooshinka laga keenay Baarlamaanka, balse wax kasta muhiim ay yihiin in sharciga looga kala baxo.
Jawaari ayaa sidoo kale Madaxweynaha Somaliya u sheegay inaysan jirin wax ka wayn sharciga oo ku aadan marka uu yimaado khilaafaadka noocaan oo kale ah.
Madaxweynaha Somaliya ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay in la dajiyo xiisadaha siyaasadeed ee xilligan dalka ka jira, wuxuuna sheegay in wax kasta hab sharciga waafaqsan uu soo jeedinaayo in lagu xaliyo.
Kulanka ayaa wuxuu ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, halkaasi oo waayahan dambe Madaxweynaha uu ku hooyanaayay.
somaliya:-Madaxweyne Farmaajo Iyo Gudoomiye Jawaari Oo Ka Wada Hadlay Mooshinka Ka Dhanka Ah Jawaari -
Madaxwaynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa kulan la yeeshay gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)