Gudaha:- Dagaalka Somaliland & Somalia Oo U Gudbay Dhinaca Millatariga iyo Taliyayaasha Ciidamada Labada Dal Oo Ku Kala Sugan Qatar iyo Imaaraatka.

0
Monday March 19, 2018 - 13:49:24 in by salman abdi
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:- Dagaalka Somaliland & Somalia Oo U Gudbay Dhinaca Millatariga iyo Taliyayaasha Ciidamada Labada Dal Oo Ku Kala Sugan Qatar iyo Imaaraatka.

    Gudaha:- Dagaalka Somaliland & Somalia Oo U Gudbay Dhinaca Millatariga iyo Taliyayaasha Ciidamada Labada Dal Oo Ku Kala Sugan Qatar iyo Imaaraatka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:- Dagaalka Somaliland & Somalia Oo U Gudbay Dhinaca Millatariga iyo Taliyayaasha Ciidamada Labada Dal Oo Ku Kala Sugan Qatar iyo Imaaraatka.

Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa ku sugan dalka imaaraadka carabta, halkaas oo uu hore u sii joogay wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Inkastoo waftiga ka socda Somaliland ee ku sugan isu tagga imaaraadka carabtu uu badan yahay kana kooban yahay min madaxwayne illaa safiir hadana waxa xusid mudan in socdaalka ay taliyayaasha ciidamadu ku joogaan dalkaas uu leeyahay saamayn ka duwan tan waftiga siyaasiga ah, waxaana ay ku soo beegmaysaa iyadoo ay dhawaan Imaaraadku shaaciyeen inay ciidamo u tababarayaan Somaliland.

Geesta kale waxaa dalka Qadar gaadhay wafti uu hogaaminayo taliyaha millatariga ee dalka Somalia, waxaana socdaalkiisa ku wehelinayay saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Somalia.

Sidoo kale wafti uu hogaamin lahaa madaxwaynaha Somalia oo Qadar u safrayay ayaa u baaqday khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya baarlamaanka dalkaas iyo xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Loolanka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo maalmihii la soo dhaafay ku koobnaa dagaalka ah iyo mid diblomaasiyadeed ayaa haatan isku bedelay tartan millatari oo ay labada dhinacba uga faa’iidaysanayaan danahooda millatari.

Ugu dambayn waxaa xusid mudan in Somaliland ay u muuqatay inay ku gacan sarrayso dagaalkii dhinaca diblomaasiyadda ah ee ku dhexmaray golayaasha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah, iyadoo heshiiska dekeddu uu u muuqdo inuu hirgalayo taas oo dhirbaaxo ku ah dawladda Muqdisho