Hargeisa:- Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Kor U Kacay, Go'aamadii Guddiga Sicir-bararka Oo Aan Isbedel Keenin iyo Maciishadda Oo Sii Adkaanaysa

0
Monday March 19, 2018 - 13:49:24 in by salman abdi
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Kor U Kacay, Go'aamadii Guddiga Sicir-bararka Oo Aan Isbedel Keenin iyo Maciishadda Oo Sii Adkaanaysa

    Hargeisa:- Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Kor U Kacay, Go'aamadii Guddiga Sicir-bararka Oo Aan Isbedel Keenin iyo Maciishadda Oo Sii Adkaanaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Kor U Kacay, Go'aamadii Guddiga Sicir-bararka Oo Aan Isbedel Keenin iyo Maciishadda Oo Sii Adkaanaysa

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan soo saartay go’aamo ay sheegtay inay ku xakamaynayso sicir bararka, isla markaana ay kor ugu qaadiso qiimaha shilinka Somaliland, waxaanay sheegtay in go’aamadaasi si rasmi ah u dhaqan gali doonaan Sabtidii aynu soo dhaafnay.


Hase yeeshee qiimaha sarrifka ayaa wali sabayanaya, waxaana muuqata in sarrifku kor u sii kacayo inkastoo ay shacbigu rajaynayeen inuu hoos u dhaco qiimaha dollarku.

Qiimaha 1-ka dollar ayaa kor ugu kacay 10,400 (toban kun iyo afar boqol oo shilinka Somaliland ah) halkii uu markii hore u dhexeeyey 10,000 illaa 10,100 slshilin, waxaaay taasi la macno tahay in qiimaha sarrifka dollarku kor u kac weyn sameeyey afartii cisho ee la soo dhaafay.

Sidoo kale waxa suuqa soo wajahday dollar yaraan kor u sii qaaday qiimaha dollarka, waxaana maalmihii u dambeeyey ganacstada iyo sarriflayaashu ku dedaalayeen inay jeebka ku haystaan wixii dollar ah halka xaddiga lacagta Somaliland ah ee suuqa taalla ay sii kordhaysay.

Geesta kale ganacsatada qaadka iibiya ayaa wali dalka ka saara dollarka iyagoo halkii ay lacagta birta u celi lahaayeen Itoobiya dollar ku bedesha, taasoo ah qodobka ugu weyn ee illaa hadda sababaya dollar yaraanta suuqa ka jirta, hase yeeshee xukuumadda Somaliland iyo guddiga sicir bararku wali kama hadal arrintan.