Maraykanka:-Shirkad Soo Saarta Gadiidka Oo Hakisay Tijabada Gaadhi Is Wada Oo Markiiba Sababay Dhimasho

0
Tuesday March 20, 2018 - 08:41:19 in by salman abdi
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka:-Shirkad Soo Saarta Gadiidka Oo Hakisay Tijabada Gaadhi Is Wada Oo Markiiba Sababay Dhimasho

    Shirkadda takaasida ee Uber ayaa sheegtay in ay hakisay tijaabooyinkii gawaarida iswada ee ay ka samaynaysay dhammaan magaalooyinka Waqooyiga Ameerika ka dib markii uu dhacay shil halis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda takaasida ee Uber ayaa sheegtay in ay hakisay tijaabooyinkii gawaarida iswada ee ay ka samaynaysay dhammaan magaalooyinka Waqooyiga Ameerika ka dib markii uu dhacay shil halis ah.


Haweenay 49 jir ah ayuu gaari ku dhacay oo dhimatay iyada oo goynaysa waddo ku taalla magaalada Tempe ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka.

Inkastoo gawaarida is wadda ay shilal kala duwan sababeen, haddana waxaa loo arkaa in shilkani uu yahay midkii ugu darnaa.

Dara Khosrowshahi oo madax ka ah shirkadda Uber ayaa sheegay in dhimashadani ay ahayd "war naxdin badan".

Booliisku waxay sheegeen in shilkani uu dhacay habeennimadii Axaddii, gaariguna uu ahaa mid is wada. Balse waxaa isteerinka fadhiyay ruux si uu ula socdo xaaladda.

Booliisku waxay sheegeen in haweenayda dhimatay ay ka tallaabaysay goob aan loogu talagalin dadka lugaynaya, waxaa loola cararay isbitaal deegaankaas ku yaallay, halkaas ayayna ku nafbaxday

Waaxda badqabka u qaabilsan wadooyinka waawayn ee Maraykanka iyo waaaxda badqabka gaadiidka ee qaran ayaa sheegay in labadooduba ay kooxo u dirayaan magaalada Tempe.