Kenya:-Xubno Ka Tirsan Barlamaanka Kenya Oo Cidaanka Amaanka U Soo Gudbinaya Gabadh Ku Kacday Anshax Xumo
Isbatooraha Guud ee Bilayska Joseph Boinnet, Agaasimaha Baarista Dambiyada George Kinoti, Hay'adda Isgaadhsiinta Kenya iyo madaxda sare ee Safaricom, Telkom iyo Airtel Kenya ayaa ka soo hor muuqan doona Guddiga Amniga Qaranka.
Sidoo kale waxaa arinta looga hadli doona dadka isticmaala aqoonsiyada dadka kale oo soo bandhiga fiidiyowyada iyo sawirrada kuwaas oo warbaahinta bulshada u isticmaalaya magacyadooda islamarkaana kiisaskooda baaritaan lagu sameen doona.
Afhayeenka aqalka barlamaanka Kenya Justin Muturi ayaa sheegay in arrintani aan si fudud loo qaadan doonin. Waxa uu u sheegay in xildhibaanada ay kasoo hor muuqdaan gudiga.
"Waa muhiim in aad imaataan marka guddigu uu fadhiyo .. si aad u soo bandhigtaan eedahaaga," ayuu Muturi ka codsaday sharci dejiyeyaasha.
Hoggaamiyaha Aqlabiyada barlamaanka Aden Duale dhigiisa laga tirada badanyahay John Mbadi, xildhibaanka Suna East Junet Mohamed, Kimani Ichung'wa (Kikuyu) xildhibaano Tongaren Eseli Simiyu iyo Kiminini Chris Wamalwa ayaa sheegay in ay yihiin dhibanayaasha dhacdadaan iyo kuwa magacyadooda si khaldan ama sharci darada loo adeegsaday.
Kenya:-Xubno Ka Tirsan Barlamaanka Kenya Oo Cidaanka Amaanka U Soo Gudbinaya Gabadh Ku Kacday Anshax Xumo
Xubno ka tirsan Golaha Barlamaanka Kenya ayaa la filayaa in ay maanta u soo bandhigaan madaxda amniga dalka faahfaahinta gabadh ay sheegeen in ay usoo dirto sawirro iyo muuqaalo qaaqaawan.