Myanmar:-Carruurta Muslimiinta Rohingya oo la faraxumeeyo

0
Wednesday March 21, 2018 - 08:44:02 in by salman abdi
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Myanmar:-Carruurta Muslimiinta Rohingya oo la faraxumeeyo

    Gabdha da'da yar ee Rohingya ayaa ee qaxootiga ku ah Bangladesh ayaa la faroxumeeyaa, sida ay BBC-du ku ogaatay baaritaan ay samaysay. Ajaaniibta galmo doonka ah ayaana si sahlan u heli kara carruurta ka soo firxatay colaadda ka tagaan Myanma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabdha da'da yar ee Rohingya ayaa ee qaxootiga ku ah Bangladesh ayaa la faroxumeeyaa, sida ay BBC-du ku ogaatay baaritaan ay samaysay. Ajaaniibta galmo doonka ah ayaana si sahlan u heli kara carruurta ka soo firxatay colaadda ka tagaan Myanmar, waxayna hadda wajahayaan halis horleh.


Anwara waa 14 jir, waxayna ka soo firxatay Myanmar ka dib markii la dilay qoyskeedii, waxayna raadisay cid ka caawisa waddada Bangladesh aada.

"Haweenay gaari wadata ayaa timid. Waxayna i waydiisay in aan sii raaco."

Ka dib markii ay ka aqbashay caawimaadda, gaariga ayaa lagula orday, iyada oo rajaynaysa in ay heli doonto nolol cusub oo ammaan ah. Taaas badalkeedase waxaa la geeyay magaaladii u soo xigtay ee Cox's Bazar.

"Wax badanba kama aysan soo wareegin markii loo keenay labo wiil. Waxay I tuseen mindi caloosa ayayna iga feereen, wayna I garaaceen sababtoo ah siday rabeen ma yeelin. Intaas ka dibna wiilashii ayaa I kufsaday. Raali kama ahayn in aan la seexdo balse shaqadooda ayay iska sii wateen."

Xeryaha ayaa sahla in ay dhibaato gaystaan dadka carruurta faraxumeeyaLahaanshaha sawirka.

Sheekooyinka dadka la dhibaateeyo ee xeryaha qaxootiga ayaa aad u badan. Dumarka iyo carruurta ayaana ah kuwa ugu badan ee waxyeeladu soo gaarto, iyaga oo lagu khaldo in laga saarayo xeryaha qaxootiga ka dibna madaxa loo galiyo in ay jidhkooda ka ganacsadaan ama siyaabo kale loogu shaqaysto.

Koox ka socota BBC-da oo ay weheliyaan koox kale oo aan macaash raadis ahayn oo la dhoho Foundation Sentinel oo u tababaran in ay caawiyaan hay'adaha ammaanka ee ka hortagaya dhibaataynta carruurta, ayaa aaday Bangladesh si ay baaritaan ugu sameeyaan shabakadda ka dambaysa ka ganacsiga banii'aadamka waxyaabo badan ayayna maqleen.

Carruur iyo waalid ayaa noosheegay in loo soo bandhigay shaqooyin huteel, caawiso guri iyo cunto karin, kuwaas oo laga soo qabanayo dalka dibaddiisa iyo magaalada caasimadda ah ee Dhaka.

Dhibaatada xeryaha ayaana fursad u noqotay in carruurta lagu soo daro jir ka ganacsiga. Iyaga oo loo soo bandhigo in la siin doono nolol ka wanaagsan mida ay ku jiraan ee xeryaha, arrintaas ayaana ah xeelad aad u xun oo dadka dadka ka ganacsada ay qoysaska uga faa'iidaystaan.