Somaliya:-Xildhibaan Dalxa Oo Ka Tirsan Golaha Shacabka Somaliya Oo Tageeay Gudoomiyaha Jawaahire Oo Lagu Wado Mooshin
Xildhibaan Dalxa oo arrinkan ka hadlayey waxaa uu yiri"Xukuumadda Mooshin ka waddo, Ra’isul wasaare Mooshin saxiixay ma arag, wasiir aan Xildhibaan aheyn oo wax saxiixay ma jiro, waxa mooshinka wado waa Xildhibaanno wasiirro ah oo iska difaaca weerar lagu soo qaaday, xaq ayey u leeyihiin taas, Jawaarina waa geystay dhammaan wax walbo oo lagu eedeeyay”
Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Mooshinka Jawaari laga keenay ayaa siyaabo kala duwan uga socda Magaalada Muqdisho gudaheeda.
Hadalkan Xildhibaan Dalxa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maalin ka hor Xildhibaanno wasiirro u badan isugu yimaadeen Hotel Magaalada iyaga oo sheegay in tiro ahaan gaarayaan 197 Xildhibaan, kooxdan ayaa Jawaari ka dalbatay in uu is-casilo.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa u kala qaybsan laba dhinac, kuwa Jawaari difaacaya iyo kuwa eedeymo kala duwan dusha uga tuuraya Jawaari oo ah kuwa Mooshinka keenay.
Somaliya:-Xildhibaan Dalxa Oo Ka Tirsan Golaha Shacabka Somaliya Oo Tageeay Gudoomiyaha Jawaahire Oo Lagu Wado Mooshin
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, ayaa ka hadlay Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).