Caalamka:- Shirkadda Facebook Oo Lagu Qabsaday Basaasida Xogta Macaamiisheeda.

0
Wednesday March 21, 2018 - 10:56:28 in by salman abdi
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Shirkadda Facebook Oo Lagu Qabsaday Basaasida Xogta Macaamiisheeda.

    Caalamka:- Shirkadda Facebook Oo Lagu Qabsaday Basaasida Xogta Macaamiisheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Shirkadda Facebook Oo Lagu Qabsaday Basaasida Xogta Macaamiisheeda.

Dowlada Ingiriiska ayaa bilowday baadhitaan ay ku sameenayso shirkad laga leeyahay dalkaasi oo lagu magacaabo Cambridge Analytica oo u shaqeenaysay Donald Trump xiligii uu doorashada ku jiray.

Cambridge Analytica ayaa la sheegay inay ka xaday shirkada Facebook xogta khaaska ah ee macaamiisha adeegsada barta Facebook oo gaaraya 50 milyan oo qof, si ay u adeegsadaan xogtaasi dhinaca ololaha doorashada iyo dacaayada ay ku faafinayeen Facebook.


Xogta khaaska ah ee dadka adeegsada Facebook ayaa ah mid shirkadaasi kaydiso isla markaana ka iibiso shirkadaha si ay xayeysiin ugu diraan dadka ay daneenayaan.

Waxaa xogtan si khaldan loogu adeegsankaraa sida faafinta wararka beenta ah oo si khaas ah loogu diro iyadoo loo sii marsiinayo barahooda Facebook shaqsiyaad ama koox dad ah oo si gaar ah loo bartilmaamsanayo.

Fadeexadan heysata shirkada Facebook ayaa sababtay in Isniintii shalay uu hoos u dhaco qiimaha shirkadaasi ee suuqyada ganacsiga, waxaana la sheegay in shirkada Facebook ay dhumisay hal maalin gudaheed 39 bilyan oo dollar qiimihii shirkadaasi ku fadhiday suuqyada waaweyn ee caalamka.

Waxaa iyadana isa soo tareysa baaqa kasoo baxaya shacabka oo ah in baaritaan lagu sameeyo xogta Facebook ay sida khaldan u kaydsato.