Hargeisa:-"Ma Nihin Gobol Go'ay Ee Waxaanu Nahay Dal Buriyey Midnimadii Hore Ee Soomaaliya" Wasiir Sacad Oo Waraysi Xiiso Badan Siiyay BBC Focus on Africa.

0
Wednesday March 21, 2018 - 10:56:28 in by salman abdi
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-"Ma Nihin Gobol Go'ay Ee Waxaanu Nahay Dal Buriyey Midnimadii Hore Ee Soomaaliya" Wasiir Sacad Oo Waraysi Xiiso Badan Siiyay BBC Focus on Africa.

    Hargeisa:-"Ma Nihin Gobol Go'ay Ee Waxaanu Nahay Dal Buriyey Midnimadii Hore Ee Soomaaliya" Wasiir Sacad Oo Waraysi Xiiso Badan Siiyay BBC Focus on Africa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-"Ma Nihin Gobol Go'ay Ee Waxaanu Nahay Dal Buriyey Midnimadii Hore Ee Soomaaliya" Wasiir Sacad Oo Waraysi Xiiso Badan Siiyay BBC Focus on Africa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga he ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin wax saamayn halis amaan ah oo uu keenayo saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayo Berbera, balse, bedelkeeda uu xoojin doono amaanka Somaliland.


Idaacada BBC, barnaamijka Focus on Africa oo shalay waraysi kala yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, heshiiska ay la saxeexdeen DP World ee horumarinta dekeda Berbera, oo culaysyo badan ka horyimaadeen.

Dr. Sacad Cali Shire isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaan heshiis la galay shirkada DP World, kaas oo lagu casriyeynayo dekeda Berbera sannadkii 2016, sababta keentayna waxay ahayd, xaalada dekeda oo muddo dheer la dhisay, looguna tallo galay inay ka soo degaan badeecadaha xamuulka (cargo), balse aan u qaabaysnayn in badeecdaha daasadaha xamuulka (containers) ka soo degaan, si ay adeegan u fulisana waxaan u baahanay in la kordhiyo, laguna soo daro inay xamuulka containerada ka soo degaan. Uma hayno dhaqaale, sababtaas ayaa keentay inaan u tagno shirkado badan oo DP World qeyb ka ahayd.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay madax bannaanida Somaliland iyo heshiiska DP World, waxaanu yidhi "Dhab ahaan heshiiska waxa si buuxda u ansixiyey baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland, dhinaca khilaafka Soomaaliya! Soomaaliya waxa saamayn ah kuma yeelan karto dekeda Berbera.”

Dr. Sacad waxa kale oo uu ka jawaabay dhawaaqa dawladda Soomaaliya ee ay u diidan yihiin heshiiskan, waxaanu yidhi "Baarlamaanka iyo Raysal-wasaarada Soomaaliya, waxay doonaan ayey sheegi karaan, laakiin, awooda fulinta waxay sheegayaan ma laha! Soomaaliya ma xukunto Berbera, Somaliland waa dal madaxbanaan.”

"Ma nihin, gobol go’ay, waxaanu nahay dal, buriyey midnimadii hore noo dhexmartay Soomaaliya, taas oo aan markii koowaad qaarada Afrika ka dhicin. Somaliland waxay leedahay awood sharciyeed ay heshiisyo caalami ah kula geli karto wadamada caalamka iyo shirkadaha aduunka,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad, waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay dal madax bannaan, isla markaana aanay u socon in ay murug geliso xaaladda mandaqada, waxaanu yidhi "Jamhuuriyada Somaliland waa dal madaxbanaan, umana socdo inay murug ka abuuraan xaalada Gobolka Geeska Afrika, waxaan samaynay waa heshiis, dhinac walba xaq u leeyahay inuu saamigiisa iibiyo, hadii dhinaca kale aqbalo, waxay Somaliland iyo DP World isla qaateen in dhinac walba qeyb saamigiisa ka iibiyo Itoobiya, taasoo aan filayo inay horumar ku soo kordhinayso heshiiska, maadama dhaqaale cusub iyo macmiil cusub ku soo kordheen heshiiska.”

Dr. Sacad, waxa uu sharraxay saldhiga milatari ee dawladda imaaraadku ka hirgelinayso Berbera, waxaanu yidhi "Madaarka aanu u ogolaanay Imaaraadka waxay hore fadhiisin ugu ahaan jirtay Maraykanka, sidoo kale dalka Ruushka ayey saldhig u ahayd, dhinacna wakhtiyada muu sheegin inay halis ku keenayso amaanka Gobolka, xilligana wax saamayn halis ay keenayso ma jirto saldhiga Imaaraadka ee Berbera, balse, bedelkeeda wuxuu xoojin doonaa amaanka Somaliland.”