In Habeen Walba Cirbad La Durayay, Sida Loola Tacaalay Dhibta Ka Heysatay Lugaha & Qiimaha Bishii Lagu Bixinayay Oo La Ogaaday.

0
Wednesday March 21, 2018 - 12:46:48 in by salman abdi
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Habeen Walba Cirbad La Durayay, Sida Loola Tacaalay Dhibta Ka Heysatay Lugaha & Qiimaha Bishii Lagu Bixinayay Oo La Ogaaday.

    In Habeen Walba Cirbad La Durayay, Sida Loola Tacaalay Dhibta Ka Heysatay Lugaha & Qiimaha Bishii Lagu Bixinayay Oo La Ogaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Habeen Walba Cirbad La Durayay, Sida Loola Tacaalay Dhibta Ka Heysatay Lugaha & Qiimaha Bishii Lagu Bixinayay Oo La Ogaaday.

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday xogo ku saabsan sida loola tacaalay xanuunkii hormoon yarida aheyd ee ka heysatay lugaha iyo sidoo kale wax walba oo ku saabsan cirbadii la duray intii uu xanuunka dareemayay.

Kabtanka Argentina oo hadda ku sugan magaalada Manchester ayaa u sheegay mid ka mid ah Tv-yada laga leeyahay dalka Mareykanka in habeen walba cirbad labadiisa lugood cirbad la durayay si loola tacaalo xanuun soo wajahay tan iyo 12-jirkiisii.

Lionel Messi wuxuu xanuunka asiibay isagoo aad u da’yar kuna sugan Argentina gaar ahaan Rosario oo ka tirsan gobolka Santa Fe.


"Waxaa la durayay lugaheyga hal mar habeenkii. Waxaana bilaabay 12-jirkeygii. ma aheyn wax aragti ahaan iga muuqday” ayuu yiri Lionel Messi.

"Ugu horeyn waalidkey ayaa i durayay ilaa aan kasoo gaaro sideed jir ilaa aan ka barto. waxey aheyd cirbad yar. Ma aheyn mid i dhaawaceysa, waxey aheyd arrin iska caadi ah oo aan si caadi ah u sameeyay”


Waxaa lagu soo waramayaa iney waalidkiis bixinayeen aduun dhan 1,500 Doolar bishii si ay wiilkooda u daweeyaan ilaa ay kooxdiisii hore Newell’s Old Boys ay qeyb ka bixiyeen lacagta daweyntiisa.

Sanadkii 2001 isagoo 13-jir ah ayey usoo guureen magaalada Barcelona markaas oo ay kooxda reer Spain aqbashay iney bixiso dhamaan dhaqaalaha ku baxaya caafimadkiisa taasoo ku istaagtay ilaa 14-jirkiisa.

Dhanka kale Lionel Messi wuxuu qiray in qoyskiisa ay ku adkaatay nolosha Barcelona balse uu isaga si dhaqso leh ula qabsaday.

"Ma aheyn wax dhib badan inaan imaado Barcelona, si dhaqso leh ayaan ula qabsaday balse qoyskeyga wey ku adkaatay, walaalaheyga waxey dooneen iney dib ugu laabtaan Argentina” ayuu yiri Messi.

"Aabahey iyo anigaayaa kusoo harnay kaliya, wuxuuna i weydiiyay: "Maxaan sameynaa?, waxaan u sheegay inaan aniga doonayo inaan halkaan joogo” ayuu mar kale yiri Messi.