Emre Can Oo Walal Cusub Ku Abuuray Jamaahiirta Kooxdiisa Liverpool Isaga Oo Sheegay In Koox Aad U Wayn Uu Ciyaari Doono Xili Ciyaareedka Soo Socda.

Wednesday March 21, 2018 - 23:41:09 in by salman abdi
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Emre Can Oo Walal Cusub Ku Abuuray Jamaahiirta Kooxdiisa Liverpool Isaga Oo Sheegay In Koox Aad U Wayn Uu Ciyaari Doono Xili Ciyaareedka Soo Socda.

    Emre Can Oo Walal Cusub Ku Abuuray Jamaahiirta Kooxdiisa Liverpool Isaga Oo Sheegay In Koox Aad U Wayn Uu Ciyaari Doono Xili Ciyaareedka Soo Socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Emre Can Oo Walal Cusub Ku Abuuray Jamaahiirta Kooxdiisa Liverpool Isaga Oo Sheegay In Koox Aad U Wayn Uu Ciyaari Doono Xili Ciyaareedka Soo Socda.

Xidiga xulka qaranka Germany iyo kooxda Liverpool ee Emre Can ayaa si faah faahsan uga hadlay mustaqbalkiisa mugdiga wayni ku jiro wuxuuna walwal cusub ku sii abuuray jamaahiirta kooxdiisa Reds ee rajada ka qabay in uu heshiis cusub u saxiixi doono Liverpool. Emre Can ayaa ku dooday in tayadiisa ciyaareed ay awood u siinayso in koox kasta oo wayn uu xili ciyaareedka soo socda ka ciyaari karo.

Kooxaha Juventus, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa doonaya in Emre Can ay heshiis xor ah kula wareegaan marka uu dhmaadka xili ciyaareedkan dhaco qandaraaskiisa Anfield maadaama oo uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixa Reds.

Laakiin Emre Can ayaan wali si cad u sheegin in aanu wax mustaqbal ku lahayn Liverpool waxaana wali hadalkiisan ugu danbeeyay loo fahmi karaa mid uu maamulka kooxdiisa cadaadis ugu saarayo in ay ogolaadaan dalabkiisa heshiiska cusub si uu u helo waxa uu Reds ka doonayo.

24 sano jirkan waxaa heshiiskiisa Liverpool ka hadhsan laba bilood isaga oo dhamaadka xili ciyaareedkan ku biiri kara kooxda uu doonayo haddii ka hor muddadan ayna Liverpool heshiis cusub ka saxiixan. Hadalka Emre Can ayaa qasab ka dhigi kara in Liverpool ay go’aan kama danbays ah ka gaadho arintiisa.

Emre Can oo la hadlayay wargayska dalkiisa Germany ee SportBild ayaa yidhi:”Anigu waxaan haystaa kalsooni naftayda ah in aan sheego in tayooyinkaygu ay iigu filan yihiin in aan koox aad u wayn ka ciyaaro xili ciyaareedka soo socda. Anigu England ayaan wax fiican ka samaynayaa, halkan waa mid jidh ahaan ah oo aniga igu haboon. Horyaalka Spanishku sidoo kale soo jiidasho ayuu leeyahay”.

 

Emre Can oo mustaqbalkiisa dabka ku sii shidaya ayaa yidhi: "Waxaa la mid ah Germany halkaas oo tatikadu tahay waxa laga walwalo. Italy oo baryhan la soo qabtay, waxaana si la mid ah France, waxa uu hadda horayalkani noqday mid ka mid ah kuwa Yurub ugu fiican, sidaa daradeed,anigu ma doonayo in aan wax ka reebo, sababtoo ah anigu ma ogi waxa aan xagaaga samayn doono”.