Caalamka:- Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Degmada Hodan.

0
Thursday March 22, 2018 - 07:46:58 in by salman abdi
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Degmada Hodan.

    Caalamka:- Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Degmada Hodan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Degmada Hodan.

Ciidanka wada dagaalamay ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa ay tababarto dowladda Imaaraadka Carabta ee degan Isbitaalka Xoogga dalka iyo ciidan kale oo Militari ah.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka illaa Warshada Caanaha, waxaana wararka ay sheegayaan inuu jiro waxyeelo kala duwan oo ka dhashay iska hor imaadkaasi.


Dadka deegaanka ayaa sheegaya inaysan garan karin illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay iska hor imaadkaan ciidamada ku dhexmaray Isgoysak Tarabuunka illaa Warshada caanaha.

Xaafadaha Tarabuunka si caadiyaan ah waxaa u degan ciidamo Militari ah oo hub ku dhex haysta xaafadahaasi, lamana oga illaa hadda waxa sababay iska hor imaadkaan ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Ciidanka NISA ee Koontaroolka ku leh Isgoyska Tarabuunka ayaa ku jira feejignaan iyo difaac, laakiin dhankooda qayb kama ahan dagaalka halkaasi ka dhacay.

Degmada Hodan, ayaa inta badan waxaa ka dhaca iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada ka wada tirsan dowladda Federalka Somaliya.