Caalamka:- Falastiinayaddii askariga Israa'iil dhirbaaxday oo la xukumay.

0
Thursday March 22, 2018 - 07:46:58 in by salman abdi
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Falastiinayaddii askariga Israa'iil dhirbaaxday oo la xukumay.

    Caalamka:- Falastiinayaddii askariga Israa'iil dhirbaaxday oo la xukumay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Falastiinayaddii askariga Israa'iil dhirbaaxday oo la xukumay.

Gabadh yar oo Falastiiniyad ah oo la xiray markii ay dhirbaaxday askari Israa'iili ah ayaa dambi lagu helay, arrintaas oo ku mutaysan doonto 8 bilood oo xabsi ah.

Ahed Tamimi ayaa ogolaatay in ay qirato afar dacwo oo ka mid ah 12 dacwadood oo ay wajahaysay kuwaas oo uu ka mid ah ahaa in ay weerar qaaday, sida uu qareenkeedu sheegay.

Waxay sidoo kale bixin doontaa 1,440 doolar oo ganaax ah, waxaa kale oo ay aqbashay in ay sideed bilood oo dheeri ah xabsi gali doonto haddii ay dambi kale gasho.

Gabadhan 17 jirka ah ayaa la xiray ka dib markii muuqaal laga duubay iyada oo ka hortagaysa labo askari oo gurigeeda hortiisa jooga bishii Disembar.

Amarka maxkamadda ayaa ka dhigan in la sii dayn doono xagaagan sababtuna ay tahay in laga jari doono wakhtiga ay hadda xabsiga ku sii jirtay, sida wakaaladda wararka ee AFP ay ka soo xigatay Gaby Lasky oo ah qareenka gabadha.

Dadka Falastiiniyiinta ah waxay Ahed Tamimi u arkaan in ay astaan u tahay diidmada la diidan yahay Haysashada Israa'iil.

Dad badan ayaa dal baday in gabadhan la siidaayoLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDad badan ayaa dal baday in gabadhan la siidaayo

Gabadhan oo marka ay dhacdadaas samaynaysay 16 jir ahayd waxayna ka dhacday daanta galbeed ee la haysto.

Laakiin dad badan oo Israaliyiin ah waxay u arkaan ruux rabshoole ah oo caannimo raadinaya.

Xukunkeedu wuxuu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen wuxuuna ka dhacay maxkadda milatariga ee Ofer oo ku taalla Daanta Galbeed ee la haysto.