Hargeisa:- MD. Madaxweyne Ha Noqon Sidii Siilaanyihii Kaa Horeeyay Ee Dhagaystay Tabashada Shacabka.
Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo mudadii todobada sano iyo dheeraadka ahayd ee ay dhisnayd Madaxweynuhu Muu tixgelin tabashada bulshada ee Ku aadanayd Wasiirrada ka soo Jeeday beesha uu ka dhashay Madaxweynuhu,kuwaas oo la dhamaystay mudadii xil hayntiisa, taasi waxay sawir xun ka bixisay aragtidii Bulshadu ka qabeen hoggaankoodda oo ay u arkeen mid qabyaaladaysan. Waxa Xubnaha Wasiirada ah ee Tusaalaha loo soo qaato ka mid ahaa Wasiiradii Madaxtooyadda,Macdanta iyo Tamarta, Hawlaha Guud,Dib u dejinta ee Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhanka kalena ahaa Wasiiro ay isku beel ahaayeen Mudane Siilaanyo. Qadiyada Buuga uu qoray Wasiir Guri barwaaqo ayaa soo saartay mustawihiisa aqoonneed heerka ay gaadhsiisan tahay, maadaama uu buug ku qoray Gabay dheeg aanay wanaagsanayn in la faafiyo, taasoo keentay in Shirguddoonka golaha wakiilladu ay u yeedheen Wasiir Guri-barwaaqo kadib markii ay dacwad u gudbiyeen Haweenka beesha Koonfurta Hargaysa iyo Sallaxley oo sheegay in Gabayga uu Wasiirku ka qoray hablaha beesha ay ka soo jeedaan uu xadgudub ku yahay milgahooda, sidaa darteedna ay Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbadeen inuu Talaabada ku habboon ee Xil ka qaadis, Xaal marin iyo Gubista buugaasi uu fuliyo waa haddii aanu ku taageersanayn buuga uu qoray Wasiirkiisa Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta. Si kastaba ha ahaatee Waxaa Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la Gudboon inuu laba Go’aan Midkood qaato kuwaas oo kala ah. Weedha Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxay ku talinnaysaa si loo helo Madax iyo shacab isku xidhan oo darreenkooddu isla jaan-qaaddi karro in la hello Mas’uuliyiin u soo jeedda ka fal-celinta tabashadda Ummadoodda, taasi waxay meesha ka saarraysaa in Mas’uulkasta uu dabarka goosto oo waxa uu doonno kula kaco bulshadda uu u shaqaynnaayo, waxaannay abuurraysaa hannaan iyo jawi isla xisaabtan ah, iyaddoo meesha ka saarraysa qabyaalladan ilaa Madaxtooyadda xidhiidhsan.
Maanta waxaa hoggaaminta qaranka haya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdioo wax badan ka og waxyaabihii lagu eedayn jiray xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay dharaarahan hadal haynta Saxaafadda aad ugu badan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyi-gelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri barwaaqo), oo mudo kooban oo uu xilka wasaaradaasi hayay sameeyay khaladaad aad u badan hadday tahay dariiqadii uu u maray isku shaan-dhayn uu ku sameeyay Waaxyaha iyo qaybaha wasaaradaasi,Talaabo anshax marineed oo uu Warbaahinta u mariyey 24 Xubnood oo ka mid ah hawl wadeenada wasaaradda warfaafinta, iyo gefaf dhaqan oo uu ku daabacay Buugiisa Sooyaal.
Hargeisa:- MD. Madaxweyne Ha Noqon Sidii Siilaanyihii Kaa Horeeyay Ee Dhagaystay Tabashada Shacabka.
Hargeisa:- MD. Madaxweyne Ha Noqon Sidii Siilaanyihii Kaa Horeeyay Ee Dhagaystay Tabashada Shacabka.